Djibouti(ANN)Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici iyo Wefti uu hogaaminayo, ayaa saaka waaberigii ka dhoofay Madaarka Berbera, iyagoo usii jeeda dalka Djibouti, ayaa galabta ka degey Madaarka dalkaa. Madaxweyne Ku xigeenka

 

Somaliland waxa socdaalkiisa
ku weheliyay Wasiirradda Wasaaradaha Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe), Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle, Wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad ee xisbiga KULMIYE C/raxmaan Maxamed Talyanle iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka.
Madaxweyne Ku xigeenka iyo wefdigiisa, waxa kusoo dhoweeyay Madaarka Djibouti Raysal Wasaaraha Dalkaa Dilayta Maxamed Dilaysta oo martiqaadka u fidiyay. Sida uu Madaxweyne xigeenka Somaliland ugu sheegay saxaafada ka hor intii aanu ka dhoofin Berbera maanta.
C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  wuxuu sheegay in socdaalkoodu qaadanayo dhawr maalmood, isla markaana  ay mudada ay  ku sugan yihiin Djibouti kulamo kala duwan la yeelan doonaan  Raysal wasaaraha Djibouti, Wasiiro iyo masuuliyiinta kale, kuwaas  oo sida uu xusay ay kala hadli doonaan sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka labada wadan iyo dhamaystirka heshiisyadii iskaashi ee ay labadda dal hore u gaadheen sanadihii u dambeeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *