Galguduud(araweelo News Netwok) Saraakiil ka tirsan dawlada Xasan Sheekh Maxamuud (Xasan Gurguurte) ayaa gaadhay maanta magaalada Galguduud ee xarunta Maamulmalka Ximan iyo xeeb ee Badhtamaha Somalia. Kadib markii Hogaamiyiha Xisbul Islaam

Xasan Daahir Aways oo ka firxaday weerar kaga yimi amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane (Abu Subayr) uu gaadhay halkaa habeen hore.

 

Wefdigaa ka tirsan Madaxda dawlada Somalia ayaa Maanta duhurkii ka degey garoonka Macmalka ah ee degmada Cadaado, kuwaas oo isugu jiray xildhibaanno katirsan DF-ka iyo xubno kale  oo ay ka mid yihiin Yuusuf Siyaad Indha Cadde C/qaadir Cali Cumar iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad, kuwaas  oo kala metelayay DF-ka iyo Ururka Al Ictisaam.

Wefdiga ayaa kulan kula yeelatay isla maanta guriga madaxtooyada maamulka Ximan iyo Xeeb, halkaas oo sida ay sheegayaan wararka laga helayo ay ka  socdaan wadahadallo saacado badan qaatay oo looga gol-leeyahay sidii Sheekh Xasan Daahir loo gacan-gelin lahaa dawlada Federaalka Somalia ee looga dejin lahaa Magaalada Muqdisho, balse waxa arrintaa ka dhashay muran iyo dareen shaki oo ay ka muujiyeen malayshiyada gacanta ku haysa Sheekh Xasan Daahir iyo Ragga la socda, kuwaas oo doonaya in loo gudbiyo dhinaca dalka Qadar oo uu doonayo inuu diyaar ikhtiyaarkii uga raaco madaarka cadaaddo.

Hase yeeshee sida wararka arrintaa la xidhiidhaa sheegayaan waxa jira muran u dhexeeya saraakiisha dawlada ee gaadhay halkaa, maamulka oo ku kala qaysan sida laga yeelayo sheekh Xasan Daahir iyo kooxdiisa iyo dadka deegaanka oo aan raali ka ahayn in loo gacan geliyo dawlada, balse loo daayo Sheekh Xasan Daahir ikhtiyaarkiisa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *