Hargeysa(ANN) Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ayaa ugu baaqay xukuumada somaliland, Ganacsatada iyo Hay’adaha caalamiga ah in gurmad degdeg ah loo fidiyo boqolaal qoysas danayar ah  oo dhibaato kasoo gaadhay roobabkii habeen hore ka da’ay magaalada Hargeysa, kuwaas oo keenay khasaare naf iyo maalba lahaa.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo Gudoomiyaha  Xisbiga UCID Faysal Cali waraabe ayaa  oo  ay weheliyaan saraakiil ka tirsan xisbiyadooda ayaa booqasho ku saabsan sidii ay xog ogaal ugu noqon lahaayeen dadka ku waxyeeloobay roobabka . iyagoo soo maray boqollaal qoysas danyar ah oo daadsan bannaanada degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax  oo ah meelaha uu khasaaraha ugu culus ka soo gaadhay roob dabaylo watay oo shallay ka da’ay magaallada Hargeysa.

Masuuliyiinta xisbiyada mucaaridku waxay dadka ka tacsidayeeyeen dhibaatada kasoo gaadhay roobabka, isla markaana waxay  Ilaahay uga baryeen  inuu naxariistii janno ka waraabiyo dadkii ku geeriyoodey roobabka oo illaa hadda inta la ogyahay ee la xaqiijiyey tiradoodu gaadhay sagaal qof. Gudoomiyaha Axmed Siilaanyo, wuxuu balanqaaday inay  xisbi ahaan  si deg deg ah uga qaybqaadanayaan sidii gurmad iyo caawimo deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadka dhibaataysan, waxaanu ugu baaqay xukuumadda , hay’adaha iyo ganacsatadaba inay kaalintooda ka qaataan

Sidoo kale wasiirada arrimaha gudaha ee Somaliland C/llaahi Ismaaciil Ciro, Hawlaha Guud Siciid Sulub iyo Maayarka Caasimada Hargeysa ayaa kormeer kusoo maray xaafadaha khasaaraha Roobabku dhibaatada u geysteen, waxayna u sheegeen dadkii cabashada kala horyimi  in aan cidna lagu canaanan mushkiladii dhacday ee roobku keenay oo ay aad uga xunyihiin, isla markaana ay xukuumad ahaan   ugu baryo tegayaan Haya’daha  samafalka ee dalka jooga.

Ma jiraan ilaa hada wax caawimo ah oo gaadhay dadka ku dayacan koonfurta magaalada hargeysa, iyadoo maanta la arkayay khasaaraha aan weli si rasmi ah loo ogaan baaxadiisa, dayaca boqolaal qoysas danyar ah oo u baahan cid la maaraysa mushkilada aanay qaadi Karin iyo khasaaraha soo gaadhay. Marka laga yimaado khasaaraha soo gaadhay guryaha, meheradaha yar yare e ganacsi ee  xaafadaha Siinay, Octoobar iyo Maxamuud Haybe, ilaa hada Dadka ku nafwaayay waxyeelada Roobabka, Danabka iyo daadka ayaa ilaa inta la ogyahay lagu sheegay  sagaal qof, halka dhaawacana lagu sheegay dhawr iyo toban.

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *