Muqdsiho(ANN)Shirkii Odayaasha dhaqanka Soomaalida ee ka socday Muqdisho, ayaa la hakiyay. Kadib  markii qarax khasaare geystay oo lagu weerarayay hoolka uu shirku ka socday, kaas oo  lala beegsaday barxada hore ee lagu baadhayo

 

ergooyinka ka qaybgelaya shirkaa.
Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jarbiil oo ka hadlay sababaha uu shirku u baaqaday maanta oo ay ahayd maalintii sadexaad  ayaa sheegay inay tahay cilad farsamo oo ku timi kambiyuutarradii laga xaadirin lahaa ergada.
Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Cillado farsamo ayuu shirku saaka u hakaday, waxaana cillado ay ku yimaadeen kombiyuutarradii lagu baadhi lahaa ergada, waana la hagaajiyay berrina si caadi ah ayuu ku billlaabanayaa,” ayuu yidhi wasiirku.
Hase yeeshee warar aanu ka helay qaar ka mid ah ergooyinka ka qaybgelaya shirkaa, ayaa sheegay in lagu wargeliyay saaka subaxnimadii qaraxa ka dib in dib loo dhigay shirkii, waxayna sheegeen in sababta shirka dib loogu dhigay aanay ahayn qaabka wasiirka dastuurku uga hadlay ee ay la xidhiidho arrimo dhinaca amaanka ah.  Kadib markii qarax ka dhacay saaka barxada hore ee albaabka loo qorsheeyay inay ka galaan ergadu hoolka shirkaa.
Dad goob joog ah ayaa u sheegay Araweelonews in gaadhi weyn oo yaalay meel qiyaastii 15 talaabo u jirta albaabka uu ka dhacay qaraxa, kaas oo burburiyay gaadhigaa oo ahaa gaadhi weyn oo daalay, balse may sheegin dadkaasi inay arkayeen dhaawacyo, ama dhiamasho, taas oo ay sheegeen inay cabsi ku abuurtay ergooyinka ka qaybgelaya shirkaa.
Dhanka kale, qarax miino oo geystay dhimashada hal qof iyo dhaawaca dhowr qof oo kale ayaa saaka ka dhacay bar koontarool oo ay ku suganayeen ciidamada DKMG ah, taas oo laga ilaaliyo xarunta shirka.koontaroolkan oo ku yaalla xaafadda Sheelare ee degmada Xamarjajab, iyadoo qofka ku dhintay qaraxa uu ahaa rayid goobta ka ag-dhawaa halka dadka ay kasoo gaadheen dhaawacyada ay ku jireen askar aan tiradooda la shaacin.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG ay howgallo ka billaabeen agagaarka deegaannada ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo ay kasoo qabqabteen dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen.
Qaraxyadan ayaa muujiyay sida aanay weli amaanka magaalada Muqdisho u sugnayn iyo inay kooxaha Al-shabaab oo hore  u balanqaaday inay weerarayaan hoolka shirka ergooyinka dhaqanka ee Soomaaliya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *