Gaalkacayo(Araweelo News Network) Cabdi weli Xirsi Indha- gudhan oo ah Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in aanu xidhmin Garoonka

 

Diyaaraddaha ee Gaalkacayo, wuxuuna sheegay in aanay dhinacooda arrintaa waxba kala socon ee ay Afka Cabdi Qaybdiid ka maqleen “waxaan xidhay Garoomada Gaalkacayo iyo waan furay” ayuu yidhi wuxuuna meesha ka saaray in ay maamulka Galmudug u diideen in ay ka dhisaan Garoon Labaad magaaladaa.

Hase yeeshee Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ah Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug ee xaruntiisu tahay Gaalkacayo, ayaa shalay sheegay in ay dhinacooda fureen Madaarada magaalada Gaalkacayo. Kadib markii sida uu sheegay ay sidaa ka codsadeen Dawlada dhexe ee Federaalka, Ururo iyo Hay’addo Caalami ah.

Gen. Qaybdiid, ayaa ugu baaqay maamul goboleedka Puntland ee xaruntiisu tahay Garoowe in ay dhawraan heshiisyadii ay mudada dheer ku wada noolaayeen shacbiga Gaalkacayo, kuwaas oo la gaadhay markii ay bur-burtay Dawladii dhexe ee Somalia 1991-kii.

Dhowaan ayaa qorshe ay dawlada Federaalka ee Somalia wadatay oo la doonayay in maamul goboleed loogu sameeyo gobolada dhexe ee Somalia, kaas oo saamayn ku yeelanaya deegamada ay maamulaan labada dhinac, balse maamul goboleedka Puntland ayaa ku gacansaydhay qorshahaa, waxaana abuurantay xiisad siyaasadeed oo cabsi ku keentay dadka deegaankaa, iyadoo malayshiyaad kala duwan ay labada dhinac ku urursadeen magaalada Gaalkacayo.

 

Cabdi weli Xirsi Indha- gudhan oo ah Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in aanu xidhmin Garoonka Diyaaraddaha ee Gaalkacayo, wuxuuna sheegay in aanay dhinacooda arrintaa waxba kala socon ee ay Afka Cabdi Qaybdiid ka maqleen “waxaan xidhay Garoomada Gaalkacayo iyo waan furay” ayuu yidhi wuxuuna meesha ka saaray in ay maamulka Galmudug u diideen in ay ka dhisaan Garoon Labaad magaaladaa.

Xaalada Magaalada Gaalkacayo, ayaa degen maanta ka dib markii shalay iska horimaad ku dhexmaray Malayshiyo ka socotay Maamul Goboleedka Puntland ee dhinaca ay maamusho Puntland, kuwaas oo ay isku dhaceen ganacsato ka mid ah kuwa magaalada Gaalkacayo, taas oo abuurtay xiisad siyaasadeed oo laga cabsiqabo in xaalad colaadeed ay ka abuurto magaalada Gaalkacayo oo ah mid kala qaybsan tan iyo markii ay bur-burtay dawladii dhexe ee Somalia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *