Hargeysa(ANN) Por. Axmed Ismail Samatar oo ah nin kasoo jeeda Somaliland. laakiin ay ku fogaatay riyada  cunsuriyada Midnimada Soomaaliya , ayaa sheegay in ciidamada dawladda Ethiopia ee kala wareegay  magaalada Baydhabo dhowaan kooxda Al-shabaab ay yihiin ciidamo shisheeye oo qabsaday

 

wadankaagii, iyagoo aan haysan wax ogolaansho ah.
Pof. Samatar oo ku sugan cariga maraykanka, waxa uu sidaa ka sheegay su’aal  Idaacada VOA ka weydiisay barnaamij ay ku falanqaysay  rajada shirka London ee lagu soo geba-gebeeyay London todobaadkii hore, kaas oo ay kasoo baxeen go’aamo ay isla qaateen in ka baddan konton dawladood oo aduunka ah iyo Ha’yaddo caalami ah, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Kolayba Ciidamo shihseeye oo dalkaagii soo gala adigoon fasax u siin dhibaatadeeda ayay leedahay. Waxyna noqonayaan uun ciidamo wadan kale ka yimi oo wadankaagii qabsaday. Aniga waxay ila tahay shirka Garoowe lagu qabtay wuxuu ahaa wax lagu farxo oo bidhaan wuu ahaa. Laakiin waxa ku dhex jiraa waa inay noqdaan wax ka duwan wixii hore oo aanay noqon, wixii hore oo dhar kale loosoo geliyay oo dib loosoo celiyay.
Anigu waxan ku qiyaasay in haddii laga faa’idaysanayo dawladahaa isu yimi loo baahanyahay Somalia in la geliyo sanandkii 1Bilyan ama 1.5Bilyan mudo todoba sanadoo ah maalgashi si loosoo dhiso dhaqaalihii Somalia, waxaana soomaali hortaala maanta in laga tago 4.5, gobol gobol yar oo googo’aya in laga tago oo loo hadlo qarankii weynaa ee Soomaaliyeed, dad aragti cusub iyo hadaf leh oo u hadli kara in la keeno, taas haddii aynu yeelano dadka deriska ee cadaawadda inoo hayana waynu iska celin, kuwa aynu saaxiibka nahay ee jaarka aynu nahayna waynu iska celin. Aduunyadana  isu timina waynu maali karaa oo wado cusub oo ka duwan  wixii labaatankii sanandood ayaynu mari karnaa.  Arrintaa gacanta soomaalida ayay ku jirtaa. Haddiise taas la waayo  aduunka oo dhan waxba inooma qaban karaan oo iyaguna qalbijab ayay inaga qaadayaan. “ ayuu yidhi. Axmed Samatar, waxaana hadalkiisa uu ku sheegay dadka deriska ah ee cadawada u haya Soomaalida loo fasiray inuu ula jeedo Ethiopia oo ah dalka inta badan lala xidhiidhiyo inay cadaawadi ka dhaxayso somalia. Porf. Axmed waxay walaalo yihiin porf. cabdi Ismail Samatar, waana laba nin oo si weyn ay ugu fogaatay cunsuriyarad iyo nacaybka Somaliland, taas oo ay ku qariyaan riyadooda midnimada Somalia. labadan Nin ayaa si weyn loogu buun-buuniyay Idaacada BBC-da Laanteeda Af-ka Soomaaliga mudadii ay gacanta u gashay Yuusuf Garad, kaas oo u aqoonsaday inay Soomaalida ka dhasheen labadaa Porf, balse aanay jirin dhiniciisa cid kale oo arrimaha Somalia iyo kuwa caalamkaba wax laga weydiiyo, isagoo ku jeclaaday riyadooda Soomaali weyn

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *