Haegeysa(Araweelo News Network)Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah Odayaasha ugu dada weyn golaha Guurtida Somaliland, isla markaana

 

ku caanbaxay samotalisnimada, ayaa fariin adag u diray dawlada Britain, isagoo ugu baaqay in ay Cagta ka qaado qadiyada Somaliland.

Xaaji Cabdikariim, wuxuu weedhaha fariinta iyo digniinta isugu jira ka jeediyay shalay Aqalka Odayaasha Guurtida Somaliland oo ku guda jiray dood ku saabsan xaalada qabsashada Ciidanka Qaranka Somaliland ee Saax-dheer iyo jawaabta ay ka bixiyeen Wakiilka Qaramada Midoobay, Midawga Yurub iyo Maraylanka.

Oday Cabdi Waraabe, wuxuu sheegay in markii uu dhowaan yimi Somaliland Wakiilka Qaramada Midoobay Nickolas Kay loo sheegay wax walba oo uu xaqiiqda ogyahay, isagoo yidhi, “Dawlada Britain waxaan leeyahay inaga ayaa Bah ahayn oo is naqaanay, xadkii aad adigu noo dhigtay dawlad kale ha ka dhexsamayn, adigaa cagata nagu haya, waxan leenahay Ingiriisoow waynu is naqaan oo dabeecadayada waa taqaan, maanta na karimaysid,  dawlad fiican baad ahayd ee yaynaan kala dhiman ee Cagta naga qaad, waxaad doonaysaa soconmaayaane.” Ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim oo ka mid ah Odayaasha ugu dada weyn golaha guurtida Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *