-
Published On: Wed, Oct 8th, 2014

Noocyada Heshiisyada Caalamiga Ah Ee Shidaalka Iyo Dhibaatooyinka Ka Dhalankara Qaabka Xukuumadda Siilaanyo U Maamushay Heshiisyada Qarsoon Ee Khayraadka Dalka: Qaybtii Labaad

Smiley face

blocks
Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaaysha sharci dejintu u diyaarin ilaa hadda xeerka Maalgashiga dalka, ama xeerka maaulka Khayraadka Dalka,

ama  (Patroliam Law) magacuu doono ha sitee, isla markaana aanay jirin wax sharci ah oo tilmaamaya sida loo maamulayo khayraadka dalka, qaabka loo wadaagayo  iyo sida loo waajahayo dhibaatooyinka dhinaca deegaanka ee ay sabab u noqonkaraan heshiisyada aan damaanadda lahayn ee qarsoon oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la gadhay shaqsiyaad iyo kooxo sita magacyo shirkaddo Batrool oo aan ahayn kuwo dunida laga garanayo, ama khibarad u leh baadhitaanka iyo sahaminta iyo soo saarista shidaalka.

 

. Marka laga yimaado qabyada iyo sida ay aanay cidna uga warqabin heshiishyada qarsoon ee shidaalka  oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la gashay shaqsiyaad iyo kooxo dilaalin ah oo sita magacyada shirkaddo aan aqoon iyo khibarad u lahayn hawlahaa, waxyanu ka hor inta aynaan u giudbin khatarta ka dhalankarta arrimahaa dib u jaleecaynaa noocyada heshiishyadda caalamiga ah ee dinida , kuwaas oo loo qaybiyo Afar nooc oo mid walba khatartiisa iyo waxyeeladiisa leeyahay haddii aan si weyn looga baaraan-degin, isla markaana si cilmiyaysan loo waajihin.

Waxa jira Afar nooc oo ka mid ah heshiisyada dhinaca Khayraadka dabiiciga ah iyo shidaalka, kuwaas oo mid walba saamayntiisa leeyahay, tusaale ahaan nooca Concision oo dunida laga mamnuucay wixii ka danbeeyay 1960, waa nooc heshiiskaasi u danaynaya shiradda ee maaha mid u danaynaya in dalkaasi ka faa’idaysto khayraadkiisa.

blocks
Sababtoo ah maamulka khayraadka waxa uu awood u siinayaa in shirakadda,  ama cidda lala galay sida ay doonto u maamusho, waxaana 11% – 14% wax ka yar qaadanay dawlada, taas oo kharash ahaan looga jarayo.

Hase yeeshee nooca heshiiskaa oo shirkaddo badan oo reer galbeed ah iyo dilaaliin ku boobeen khayraadka wadamo badan oo Afrikaan ah iyo ka mid ah wadamada Carabta sida Yemen ayaa dunida laga mamnuucay wixii ka danbeeyay lixdanaadkii.

Dalka Yaman  ayaa ka mid ah meelaha ama dalalka heshiiskaa lagu dhacay. Kadib markii Shirkad uu lahaa Nin dilaal ah u dhashay dalka Maraykanku heshiis la galay Imaamkii Yamanta Woqooyi xukumayay 1955, balse mar kale ayaa heshiiskaa oo kale khayraadka Saliida dhinaca Koonfurta Yaman 1981 heshiis sidan oo kale ay la galeen shirkaddo laga leeyahay wadamada reer galbeedka, kuwaas oo ka faa’idaystay mushkilad dhinaca dalalka Khaliijka oo aan doonayn in dalka Yaman laga soo saaro shidaal kaga imanaysay xukuumaddihii labada Yamanood ee xiligga.

Heshiiskan ayaa muran iyo doodo ka taagnaayeen wixii ka danbeeyay sagaashanaadkii markii ay labada Yamanood  midoobeen, kadib markii ay xukuumadda Yaman u aragtay in aanu ahayn mid caddaalad ah, isla markaana caqabad ku ah inay khayraadkooda ka faa’idaystaan, tusaale ahaan meelaha muranka ugu badani ka taagan yahay heshiiskaa, waxa ka mid ah qiimaha Foostada Batroolka ee ceedhiin waxa loo xisaabiyaa dalka Yaman qiimihii la siin jiray lixdan sanadood ka hor, iyadoo ay awoodi weynday in heshiiskaa wax laga bedelo, balse markii xukunka laga tuuray Cali Cabdale Saalax, waxay xukuumadda cusub ee dalka Yaman ee uu hogaamiyo Cabdi-raboo Mansoor Al-haddi bilawday qorshe la doonayo in arrimahaa heshiiska shidaalka iyo kuwo kale wax lagaga qabto, iyadoo la doonayo in dastuurka dalkaa dib u habayn lagu sameeyo  marka la gaadho 2015, si loo saxo khaladaadka heshiisyada shidaalka.

Waxa kale oo muran ka taagan yahay qaabka heshiiskaa loogu qoondeeyay baaxada dhulka laga baadhayo shidaalka, kaas oo heshiisku dhigayo inay shirkadda la siiyay kontoraaga sida ay doonto u maamusho.

Dhegta u Taag Qaybo kale oo xiisa leh
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.
E-mail Jaamac132@gmail.com/
info@araweelonews.com
www.arraweelo.com
www.araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>