Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Komishanka doorahsooyinka ee degmadda Lughaya Cabdikariim Jirde Qawdhan  ayaa si ramsi ah ugu dhawaaqay natiijadda doorashadii goleyaasha deegaanka ee degmadda Lughaya oo ka tirsan Gobolka Awdal.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in degmada  ay ka codeeyeen 10386 (Toban Kun Sedex Boqol Sedeetan iyo Lix) qof, waxaana axsaabtu u kala heleen  kuraasta degmadaa oo ah 13 Kursi   sidan:- 6 Kulmiye ah, 3 xaqsoor ah, 2 Ucid ah iyo 2 Waddani ah.

Magacda xildhibaanada ururada ku guulaystay kuraasta Lughaya.

1 Cismaan Xadi Siciiid Ururka/ xisbiga  Kulmiye
2 Maxamed Jaamac Diiriye Ururka/ xisbiga  Kulmiye
3 Cabdilaahi Cali Awnuur Ururka/ xisbiga  Kulmiye
4 Maxamuud Ibrahim Ismacil Ururka/ xisbiga  Kulmiye
5 Cige Cali Xuseen Ururka/ xisbiga  Kulmiye
6 Cismaan Faarax Tukaale  Ururka/ xisbiga  Kulmiye
7 Xaamud Maxamed Ducaale Ururka/ Xisbiga  UCID
8 Sacad Nuur Xaaji Jaamac  Ururka / Xisbiga Ucid
9 Cilmi Faarax Sugaal  Ururka Wadani
10 Axmed Xuseen Badmaax  Ururka Wadani
11 Xasan Maxamuud Dhimbiil Ururka  Xaqsoor
12 Muumin Muuse Ducaale  Ururka Xaqsoor
13 Ibraahim Jaamac Cige  Ururka Xaqsoor
Iyadoo Ururada UMMADA, RAYS iyo Dalsan aanay wax kuraas ah ka helin demadii u horaysay ee lagu dhawaaqay.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka ee degmadda Ood-weyne Axmed Ismaaciil Cawil, ayaa caawa ku dhawaaqay Natiijadda codbixintii doorashada deegaanka iyo kuraasta ay kala heleen Ururadu degmada Oodweyne oo ah tii labaad ee si rasmi ah  loogu dhawaaqo.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in degmadda Oodweyne ay codkooda ka dhiibteen 22,737 cod, isla markaana ay axsaabta siyaasaddu u kala heleen 17-ka kursi ee Golaha deegaanka Oodweyne ka kooban yahay sidan:-

1)- Ururka UMMADDA waxa uu helay 8,993 cod, waxaanu ku guulaystay 7 kursi.
2)-Ururka WADDANI waxa uu helay 8,144 cod, waxaanu ku guulaystay 6 kursi.
3)-Xisbiga KULMIYE, waxa uu helay 1, 364 cod, waxaanu ku guulaystay 1 kursi.
4)- Ururka XAQSOOR, waxa uu helay 1,229 cod, waxaanu ku guulaystay 1 kursi.
5)-Xisbiga UCID, waxa uu helay 1,126 cod, waxaanu ku guulaystay 1 kursi.
6)-Ururka DALSAN waxa uu helay 1050 cod, waxaanay heleen 1 kursi.
7)-= Ururka RAYS waxa uu helay 840 cod, wax kursi ahna muu helin.
labadan degmo ee la shaaciyay natiijadooda ayaa ka mid ah 21 degmo oo doorashooyinka golayaasha deegaanka Somaliland ka dhaceen 28 Nov 2012.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *