http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2013/10/DSC01832.jpgWaxa jira dedaal isa soo taraya oo ay sameeyeen qaar badan oo ka mid ah muwaadiniin u dhashay Somaliland oo muhindisiin ah, ama farsamayaqaano, kuwaas oo ku hawlan in

ay farshaxankooda iyo xirfadooda ka faa’idaystaan, isla markaana uga faa’ideeyaan bulshada Somaliland, taas oo xaqiiqdii ah mid wax weyn ka taray shaqo la’aanta iyo koboca wax soo saarka ee dhinaca dhaqaalaha dalka.

Goobta wax-soo-saarka Al-nuur workshop
Carraale Maxamuud Jaamac oo ah Tafaftiraha shebekaddaha dhinaca Internet-ka ee mataanaha ah (Arraweelo .com iyo Araweelonews .com), ayaa booqday goob lagu magcaabo Al-Nuur Work Shop, halkaasoo uu kula kulmay muwaadin ka mid ah kuwa wax-soo-saarka sameeya oo meherad ku haysta duleedka dhinaca galbeed ee Cusbitaalka Magaalada Hargeysa, wuxuuna ka diyaariyay warbixintan.

DSC01887

“Axmed Yuusuf Cilmi, waxa uu ka mid yahay farshaxanada dedaalka ugu jira sidii ay farsamooyin iyo diyaarinta qalab kala duwan oo bulshadu u baahan tahay u samayn lahaayeen, taas oo wax weyn ka taraysa baahida dhinaca farsamada ee wax-soo-saarka, koboca dhaqaalaha iyo shaqo la’aanta.   In kasta oo aanay taageero dhaqaale iyo dhiiri gelin midnaba ka helin xukuumadda Somaliland, Hay’addaha caalamiga ah iyo ganacsatada Somaliland midna, haddana dadka tirada yar ee  farsamayaqaan Axmed ka mid yahay waxay xirfadooda iyo dedaalka wax-soo-saarkoodu u muuqdaan kuwo sii koraya maalinba maalinta ka dambaysa, iyagoo  ku foogan sidii ay u samayn lahaayeen wax-soo-saar  si weyn wax uga tara koboca dhaqaalaha dalka iyo shaqo la’aanta baahsan ee haysata bulshada Somaliland, gaar ahaan dhallinyarada.

DSC01832
Sidoo kale muhindiska ama farsmoyaqaanka magaciisa ku sheegay Axmed Yuusuf Cilmi wuxuu ka mid yahay dadka tirada yar ee wax-soo-saarka ay sameeyeen sababay in qalab dhinaca dalalka dibedda lagasoo waaridi jiray istaago, ama yaraado. Kadib markii dalka gudihiisa lagu sameeyay mid weliba tayo ahaan ka wanaagsan, isla markaana dhinaca qiimaha aad uga hooseeya.

DSC01891
Farsamayaqaan Axmed Yuusuf oo aan waydiiyey wax-soo-saarkooda iyo xiliga ay bilaabeen arrintan iyo noocyada qalabka ay soo saaraan wuxuu yidhi, “Magaca meheradaydu waa Al-Nuur Workshop, afar sanno ayaan wadnay hawshan.  Laakiin qalabka sariiraha iyo ciyaaraha laba sannadood ka hor ayaan bilawnay. Qalabka dhismaha ayaan markii hore samayn jiray, hadda waxaan samaynaa sariiraha, miisaska, kuraasta, albaabada gurayaha waaweyn ee ganjeelooyinka iyo kuwa yaryar oo dhammaantood bir ah, qalabka ciyaaraha iyo qalabka garoomada kubadda cagta iyo baaskit-ka iyo sidoo kale qalabka carruurtu ku cayaarto ee leexooyinka.”

DSC01889
Farsamayaqaan Axmed Yuusuf Cilmi oo ka jawaabayay sida ay ugu dhalatay inay hindisaan wax-soo- saarka qalabka kala duwan ee ay sameeyaan, waxa uu yidhi; “Qaabkii aannu farsamooyinka u hindisnay ee nagu dhaliyay, wuxuu ahaa markii hore waxa naloo keeni jiray qalabkan oo laga keeno dalka Shiinaha, kaas oo marka ay dadka ka ja-jabaan aanu dib u hagaajin jiray, balse markii dambe waxaan isku daynay in aan samayno qalabkii oo ka tayo fiican, isla markaana qiimihu aad uga hooseeyo kii debedda laga keenayay.”
Wuxuu ii sheegay in qalabka ay sameeyaan waqtigan uu yahay mid bulshadu xiisaynayso, isla markaana aanay weli ku guulaysan in meelo ka baxsan dalka loo iib geeyo, taas oo ay weli dedaal ugu jiraan sidii ay marka hore dalka gudihiisa u wada gaadhsiin lahaayeen.

DSC01903
“Wax-soo-saarkayagu ma badna oo waxa jira dhibaatooyin dhinaca qalabka aannu ku shaqayno naga haysta, kaas oo noo fududayn lahaa wax badan. Laakiin waxaannu samaynaa wax- soo-saar ka tayo fiican ka dhigiisa ah ee dibedda laga keeno.”

Eng. Axmed Yuusuf
Mr. Axmed wuxuu sheegay inay maskaxdiisa ay ka guuxayaan waxyaabo badan, balse wuxuu ku dooday in mushkilada ugu weyn ee haystaa tahay duruufo dhinaca dhaqaalaha ah, taas oo haddii ay heli lahayeen taageero wax weyn ka beddeli lahayd wax-soo- saarkooda, isla markaana sababi lahayd in tirada yar ee shaqaalihiisa oo uu ku sheegay dhawr iyo toban ay intaa ka badnaan lahayd.

DSC01855 - Copy
“Ma jirto cid aannu ka dalbanay in ay waxyaabaha naga dhiman naga caawiso si wax-soo-saarkayagu u kordho, balse taasi maaha mid dedaalkayaga iyo hamigayaga hor istaagaysa, weli dalka gudihiisa kuma wada filin, waxaanna noo qorshaysan in aannu sii wadno dedaalkayaga ilaa inta aannu ka gaadhayno ujeeddada hadafkaya oo ah in dadka qalabkan aannu hadda samayno ka keena dalka Shiinaha ka iibino annagu, isagoo tayo ahaan ka fiican oo aannu kaga iibino qiimaha lagaga soo iibiyo,” ayuu yidhi Mr. Axmed.

Qalabka lagu farsameeyo al-nuur workshop

Xukuumadda Somaliland ayaa markhaati ka ah in dalka ay ka jirto shaqo la’aan si weyn laysugu raacsan yahay, waxayna marar badan ku dhawaaqday in ay doonayaan dedaal shaqo abuuris lagu samaynayo. Sidoo kale waxa jira lacago deeq ah oo dalalka Britain iyo Denmark u qorsheeyeen in lagu caawiyo dadka doonaya in ay wax-soo-saar sameeyaan si loogu abuuro shaqooyin, balse lacagahaa oo meelaha ay ku haboonayd ee shaqo la’aanta iyo wax-soo-saarka dalka wax ka tari lahaa ay ka mid yihiin goobaha noocan oo kale ah ayaan waxba kala socon arrimahaa, waxayna lacagahaa oo mallaayin doollar ah noqdaan kuwo aan ilaa hadda waxba ka beddelin wax-soo-saarka dalka iyo shaqo la’aanta, iyadoo loo baahan yahay in  mashruucaa Somaliland Bussiness  Fun ee lacagaha ugu deeqa dadka wax-soo-saarka la yimaad xoogga lagu saaro sidii taageero dhaqaale loogu fidin lahaa shakhsiyaadka muqurmaalka ah ee dalka gudihiisa ka soo saara waxyaabo dibadaha lagala soo dego. Dadweynaha reer Somaliland-na waxa ku waajib ah inay wax ka iibsadaan meelaha lagu qalabka dalka gudhiisa lagu farsameeyo.

DSC01897 - Copy
Waxa muuqata in aanay Somaliland lahayn goobo waxbarasho oo farsamada gacanta ah, iyadoo la ogyahay in mafiiqaha gurayaha lagu fiiqo iyo findhicilada ilkaha wasakhda lagaga saaro xilliyada wax la cuno laga soo waarido dalka dibadiisa,  iyadoo goobaha farsamada gacantu wax weyn ka tari lahaayeen shaqo la’aanta iyo wax-soo-saar la’aanta haddii dhallinayarada la bari lahaa xirfado shaqo oo noqonaya shaqo abuuris, balse waxa muuqata in aanay jirin istiraatiijiyad iyo qorshe cilmiyaysan oo xukuumadda Somaliland ku waajahayso sidii dhibaatooyinka wax-soo-saar la’aanta iyo shaqo la’aanta jirta wax looga qaban lahaa, waxayna goobaha tirada yar ee  farsmayqaanada iyo muhindisiinta Axmed oo kale ah u baahan yihiin dhiirigelin dhaqale iyo taageero si  ay uga midha-dhalliyaan dedaalkooda oo runtii u muuqda mid wax weyn ka taraya shaqo la’aanta iyo koboca dhaqaalaha, isla markaana meesha ka saari lahaa inta badan qalabka kala duwan ee laga soo waarido dalalka dibeda, kaas oo ay durba sameeyeen mid tayo ahaan iyo muuqaal ahaan ka qurux badan oo qiimihiisu aad uga hooseeyo marka laga keeno dalka debediisa.
Farsamayqaanada Al-nuur Workshop
Warbixintan oo qayb ka ah mawaadiic shebekadaha mataanaha ah ee arraweelo.com iyo Araweelonews.com ugu talo galeen barnaamijyo la doonayo in lagu dhiiri geliyo wax soosaarka dalka iyo dadka farsamayaqaanada ah ee muhindisiinta waxa diyaariyay Tafaftiraha shebekaddaha Araweelooyinka Carraale Maxamuud Jaamac.

albaabada lagu sameeyo Al-nuur workshopXusuusin Muwaadiniita Somaliland ee doonaya in ay mawaadiicda sidan oo kale ah ka qayb qaataan, waxay nagala soo xidhiidhi karaan E-mailda hoos ku qoran., waxayna fekerkooda kaga qayb qaadaan karaan sidii loo dhiiri gelin lahaa wax soo saarka dalka,  taas oo wax weyn ka taray dhaqaalaha dalka iyo shaqo la’aanta oo noqotay mushkilada ugu weyn eek a taagan dalka.

info@araweelonews.com
arrawelo.com@gamil.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *