Goorma Ayuu Madaxweynaha Cusubi Sheegay Inuu Ku Dhawaaqayo Golihiisa wasiirada?
images/stories/madaxweyne axmed siilaanyo iyo ku xigeenkiisa oo xilka loo dhaarinayo salaasa 27 july 2010.bmp    Hargeysa (ANN) Munaasibada xilka ay kula kala wareegayeen labada Madaxweyne ee Somaliland, isla markaana xilka loogu dhaarinayay Madaxweynaha cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Seylici Iyo Madaxweynha xilka wareejinaya Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin. Munaasibadaa oo saaka barqadii lagu qabtay Barxada gudaha ee qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxa kasoo qayb galay in ka badan laba boqol oo qof, kuwaas oo isgu jra wufuud ka socotay wadamada ku xeeran Somaliland. Sida Djibouti, Ethiopia, Kenya,

dublamaasiyiin iyo wakiilo ka socday wadamada daneeya geedi socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland iyo wakiilo ka socday Ha’yado iyo shirkado caalami ah.
Sidoo kale waxa munaasibada oo ahayd tii ugu horaysay ee soo marta Somaliland taariikhada Somaliland ee laba Madaxweyne oo ku yimaada doorasho si toosa xilka ula kala wareegaan, waxa ka qayb galay shirgudoonka labada gole ee wakiilada iyo guurtida, Komishanka doorashooyinka, masuuliyiin ka socday sadexda xisbi qaran salaadiin, Aqoonyahano, xubno ka socday Ururada Bulshada iyo culimaa’udiin.

 

 

Munaasibada oo amaankeeda aad loo adkeeyay, waxa xilka loogu dhaariyay Madaxweynaha cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Seylici, iyadoo uu gudoomiyaha Maxkamadda sare Axmed Xirsi Ismaaciil (Oomane) halkaa ku dhaariyay. Dhaarta masuuliyiinta Madaxweynaha cusub Axmed siilaanyo iyo ku xigeenkiisa oo mudo shan sanadood ah xilka loo dhaariyay, waxaana gacanta loo saaray Kitaabka  Qur’aanka Munazalka ah oo gacanta loo saaray, taas oo u dhacday sidan;- “Waxaan Ilaahay Ugu dhaartay in aan u noqonayo Daacad Diinta Islaamka dalkayga  Somaliland dadkiisana Ku maamulaayo Sinaan Iyo cadaalad Inta aan Xilka Hayo .. Wa bilaahi Tawfiiq.”
Munaasibadaa dhaarta ka dib waxa madasha hadalo ka jeediyay Madaxweynaha Xilka la dhaariyay ee xilka la wareegay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha Xilka wareejiyay.

 

 

 

 

 


Wuxuuna Madaxweynaha xilka wareejiyay  Daahir Rayaale qudbad kooban oo uu halkaa ka jeediyay kaga waramay marxaladihii ay soo martay Somaliland iyo doorkii uu ku lahaa, isagoo shacbigana ugu baaqay inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub oo sida uu tibaaxay ay mushkilado badan iyo hawlo badani sugayaan, isagoo yidhi, “Madaxweynaha cusub ee aan xilka ku wareejiyay waan ogahayoo halkan waxa yaala hawlo badan  oo anigu xog ogaal ayaan u ahay, maanta tartankii wuu dhamaaday, waxaynu nahay qaran. Markaa waxaan ugu baaqayaa Ummada inay  la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub. Aniguna waxan balan qaadayaa inaan walaalkay Axmed Siilaanyo la shaqeeyo.”
Ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin, wuxuuna u mahad celiyay wufuuda iyo marti sharafta kasoo qayb gashay munaasibada ee ka yimi wadamada jaarka iyo kuwa ka socda dawladaha daneeya Somaliland ee aan saaxiibada nahay ayuu yidhi.

 

 

 


Sidoo kale Madaxweynaha cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa hadal uu madasha ka jeediyay dhaarta ka dib, waxa uu ku balanqaaday inuu dadkiisa iyo dalkiisa xilkaa maanta loo dhaariyay si daacad ah ugu shaqayn doono, isla markaana wuxuu hadalkiisa ku xusay inuu goaha xukuumadiisa cusub ku dhawaaqayo saacadaha  soo socda, isla markaana uu shacbiga u jeedin doono qudbadiisa u horaysa oo uu warbaahinta kala hadli doono. Madaxweynaha cusub Axmed siilaanyo  wuxuu u mahad celiyay wufuuda kasoo qayb galay munaasibadaa ee ka yimi dalalka Djibouti, Kenya, Ethiopia iyo wakiilada ka socday Beesha caalamka.

 

 

 

 

 

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii uu xilka wareejiyay usoo wareegay gudrigii uu hore u deganaan jiray oo aan ka fogayn qasriga madaxtooyada, halkaas oo uu ku nasan doono maalmaha soo socda. Ka hor inta aanu u bixin safarkiisa u horeeya oo la filayo inuu ugu boqoolo dhinaca dalka faransiiska oo qoyskiisu deganaansho ku haystaan. 

 

 

 

   Dhinaca Masuuliyiinta wefdiga kasoo qayb galay munaasibadaa dhaarta madaxweynaha cusub iyo xil wareejinta labada madaxweyne, waxay kala ahaayeen  Wafti ka socday Djibouti oo ka koobnaa ka 16 Xubnood, waxa  hogaaminayay Wasiirka Dhaqanka warfaafinta iyo isgaadhsiinta Cali Cabdi Faarax, kuwaas oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku sugnaa Somaliland.
Sidoo kale Wafti balaadhan oo ka koobnaa 40 xubnood  oo ka socday Dalka  Kenya, ayaa saaka barqadii kasoo degay madaaraka magaalada hargeysa, wefdigaa oo uu hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya  oo ah siyaasi caan ah Mudane Faarx Macalin ayaa ka mid ahaa wufuuda ka soo qayb galay munaasibada.

 

 

 

 

 


Dhinaca dalka Ethiopia, waxa iyaguna saaka soo gaadhay barqadii madasha dhaarta madaxweynaha cusub iyo xil wareejinta lagu qabanayay wefdi ka kooban 6 xubnood oo ka  socday  Dawlada Federalka Ethiopia iyo Deegaanka Ismaamulka Somaalida Ethiopia ee kililka shanaad, kuwaas oo dhinaca dhulka soom maray, waxaana wefdigaa Ethopia  oo uu hogaaminayay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawlada Federal ka Ethiopia Maxamuud Dirir  iyo Madaxweynaha Kililka Somaalida Ethiopia ee dhowaan la doortay.

 

 

 

 

 

 


Waxa kaloo munaasibada kasoo qayb galay dublamaasiyiin ka socday wadamada Swedan, Norwey Britain, USA, Ha’yado Caalami ah iyo wakiilo ka socday shirkado iyo ganacsato carbeed, kuwaas oo maalmihii u danbeeyay kasoo degay Madaarka magaalada Berbera.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *