Washington(ANN)Ururka Midowga Afrika ayaa mar kale ka dalbaday Qaramada Midoobay in xayiraada hubka laga  qaado Somalia. Sidaana waxa sheegay Wakiilka Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay oo kulan uu la qaadatay

 

xubno ka tirsan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay  kaga dalbay in dib u eegis lagu sameeyo xayiraadda saaran hubka soogala Soomaaliya. 

Wakiilku waxa uu sheegay  in ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ku howlgala magaca AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ay u baahanyihiin taageero dhan weliba ah oo u badan saanadaha dagaalka iyo haddii suuragal aytahay in lagu soo biiriyo Ciidamo kuwa Badda ah, si howlgalkooda Nabad Sugidda ah ay ugu fidiyaan Xeebaha dalka Soomaaliya, isla markaana ay wax uga qabtaan budhacadbadeeda gaadiidka ka ugaadhsada bada Somalia.

“Xayiraadda hubka oo la qaado waxa ay suurta galineysaa in Ciidamada AMISOM ay si wanaagsan u soo gaadhaan qalabka iyo saanadda dagaal ee kaabaya howlgallada lagu dabar goynayo Al Shabaab” sidaa waxa tidhi haweeyneyda Midowga Afrika ugu qeybsan Qaramada Midoobay.
Go’aanka  Soomaaliya lagu saaray xayiraadda hubka waxa uu ahaa mid weli aan la laalin, kaas oo dhaqan galay sanaddii 1991-kii, taas oo ku beegnayd markii ay bur-burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, balse wixii ka danbeeyay mudadaa waxa Somalia oo dagaalo ka socdeen soo galay hub farabadan oo dawladaha jaarka ah qaarkood lagu eedeeyo inay si qarsoodi ah usoo geliyaan.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *