madaxweyne XigeenkaSlndHargeysa(Araweelo News Network)Caalamka Islaamka ayaa maanta si weyn looga ciiday munaasibadda Ciidal-fidriga. Kadib markii ay dhamaatay bishii Barakaysnayd ee

 

Ramadaan oo muslimiintu kusoo jireen soonka iyo Cibaadada badan.

Magaalooyinka Somaliland, ayaa waaberigii laga oogay Takbiirta salaada ka hor, waxaana isugu soo baxay Masjidada waaweyn iyo Garoomada, ama meelaha banaanda ah oo lagu tukaday Salaada Ciidal-Fidra kumanaan qof oo qaybaha kala duwan ee Bulshada ah,  kuwaas oo wejiyadooda laga arkayay farxad iyo rayn-rayn, iyagoo ku faraxsan acmaasha iyo cibaadada bisha barakaysan ee ay soo wadeen oo ay kusoo gaadheen caafiimaad, waxaana muuqaalka higilkoodu qurxiyay fagaarayaasha iyo shaaracyada, iyagoo isugu bushaaraynaya munaasibada, isla markaana is weydaarsanaya weedho ducooyin ah iyo in Illaahay ka aqbalo acmaashii ay soo guteen ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Ciida Somaliland3
Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland oo uu hormood u yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo sidoo kale sii haya xilka labaad ee ku simaha Madaxweynaha, maadaama Madaxweynuhu safar ku maqanyahay, ayaa  kumaan qof kala qaybaglay munaasibada Ciida, masjidka Jaamaca weyn ee magaalada Hargeysa, wuxuuna Salaada ka dib qudbad u jeediyay kumanaan qof oo uu kula tukaday Salaada Ciida Masjidkaa.

Ciida Somalialnd2
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka hadlay arrimo la xidhiidha wacyiga siyaasadeed ee xilagan Somaliland iyo mushakuladaha ka taagan dunida, wuxuuna fariin ku waajahan beesha caalamka iyo dunida Islaamka ugu soosi gaar ah usoo qaatay xasuuqa ka socda ku dhowaad sadexda todobaad dhulka Falastiin ee deegaanka Qasa oo dawlada Israeil labaatan afartan caanamaal ku waday duqayn Cirka, Badda iyo Dhulka ah, isla markaana kumanaan qof u badan caruur iyo haween aan wax denbi ah gelin si axmaqnimo ah loogu laayay, iyadoo kumanaan kale ku dhaawacmeen, halka 1.2ml xaalad godoon ah galeen.

 

Madaxweyne xigeenka Somaliland, wuxuu sheegay in ay ugu baaqayaan Beesha Caalamka in aan layska indha tiring dhibaatada iyo dulmiga ka socda Qasa ee lagu hayo shacbiga reer Falastiin, isagoo dhinaca kalena qudbadiisa kusoo qaatay xaalada Somalia ka taagan  iyo halka ay marayso Somaliland, wuxuuna xusay in ay waxbadan qabsatay Somaliland, isagoo soo qaatay tusaalooyin taariikhi ah oo la xidhiidha xoriyadii ay Somaliland ka qaadatay Boqrtooyadii Midawday ee Britain iyo midawgii Soomaali weyn ee guuldaraystay.

Mudane Saylici, wuxuu ugu baaqay Somalia in ay noqdaan labada dal oo walaalo ah oo is kaashada, maadaama ayuu yidhi aynu cadaw badan leenahay. Waxa kale oo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ka hadlay dhaliilaha mucaaradka Somaliland, wuxuuna usoo jeediyay in dhaliishu jirayso oo mar walba bini-aadamku hawl hayo qabyo iyo dhaliili imanayaan. Sidaa awgeed aanay diidayn dhaliisha toosinta ah, balse aanay dhaliishu noqon wax aan jirin oo aan ku haboonayn dhaqanka iyo axlaaqiyaadka suuban.

Sidoo kale masuuliyiinta kale ee qaranka  iyo  Madaxda gobolada iyo degmooyinka, ayaa bulshada kala qaybgalay munaasibada Ciida, kuwaas oo bulshada kula tukaday fagaarayaasha iyo Masjidada, iyagoo dadweynaha la qaybsanayay farxada munaasibada ciidal-fidra, waxaana munaasibada ciida farxadeedu kusoo dhamaatay si nabadgelyo ah.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *