Sedex ka mid ah lix qof oo maxkamadda ciidamada ee Puntland ay dil toogasho ah ku xukuntay         Garoowe(ANN)Maxkamad ciidan oo Maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ah, ayaa xukunno dilal ah ku riday Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane (Abu Subayr) iyo 11 qof oo kale oo lagu eedeeyay  in ay ka danbeeyeen dilkii

 

Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa culimada caanka ah ee Soomaaliyeed, kaas Dec, 2011 dablay hubaysani ku khaarajiyeen magaalada Boosaaso.
Eedeysaneyaasha maxkamaddu xukunnada dilalka ah ku riday oo tiradoodu dhantahay  12- qof, ayaa  6 kamid ah maanta la horkeenay maxkamadda markii ay xukunka ku dhawaaqday, kuwaas oo isugu jiray Haweenay iyo shan Nin oo dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah, iyadoo xukunkoodana uu ku dhawaaqay Cabdifataax Xaaji Aadan oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamadda Puntland
“Maxkamddu markay dhegeysatey doodda xeer ilaalinta iyo difaaca qareemada, maxkamaddu markay akhrisatay caddeymaha laga qoray eedeysanayaasha, maxkamadda markii la horkeenay caddeymo ay bixiyeen eedeysaneyaasha qaar kamid ah…sidaa darteed maxkamaddu waxay ku xukuntay dil toogasho ah,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Dadka la xukumay oo uu ku jiro hogaamiyaha Al-shabaab ayaa kala ahaa sidan:-

Axmed Cabdi Godane  Hoggaamiyaha Al-shabaab (Abu Subayr).
Axmed Maxamed Cali (Mustaf)
Maxamed Maxamuud Saacadoole (Abu-hureyra)
Maxamed Abshir Cartan
Cabdiraxmaan Maxamed Cali
Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane)
Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf
Xasan Jaamac Xasan (Surato)
Cismaan Cabdirisaaq Saacid (Khaalid)
Mowliid Maxamed Aadan (Gaashaan)
Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle)
Cismaan Axmed Qaasim (Ayuub)
Dadka xukunka lagu riday ayaa lix ka mid ahi ka maqnaayeen goobta markii la xukumayey, waxaana lagu eedeeyey in ay ka qayb qaateen dilkii iyo abaabukiil  5tii December 2011 magaalada Boosaaso loogu gaystay Sheekh Axmed  C/raxmaan oo ka mid ahaa culimada ugu caansan geyiga Soomaalidu ay degto.
Garsooraha xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay inay mudo 30 maalmood gudohood ah rafcaan ka qaadaan karaan xukunkaa.
Xukunka maxkamaddan ayaa kusoo beegmay dhowr tobaad ka dib markii nin hubaysan uu masaajid ku yaalla magaalda Garoowe ku dhex toogtay Sh.C/qaadir Nuur Faarax “Gacamey” oo ahaa wadaad magac ku lahaa Soomaalida dhexdeeda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *