Laascaanood (ANN) Maxaabiis loo haystay falalkii argagixisada ee qaraxyada iyo shirqoolada ee ka bilaabmay magaalada Laascaanood Nov, 2009  ayaa xalay ka dareeray xabsiga magaaladaa. Sidaa waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan xukuumada aan weli xilka wareejin ee Madaxweyne Rayaale. Maxaabiista ka baxay xabsiga

 ayaan  tiradooda rasmiga ah ilaa hada si cad loo ogayn, isla markaana aanay weli ka hadlin xukuumada xilka wareejinay salaasada soo socota ee 27 July 2010.  Balse qaar ka mid ah dadka Deegaanka ee gobolka Sool ayaa shebekada wararka ee Araweelonews u sheegay inay Laba maxbuus oo  loo haystay falalkii qaraxyada iyo shirqoolada ee laascaanood ka bexeen xabsiga xalay, kuwaas oo mid ka mid ah Ciidanka Ilaaliya xabsigu hore u sii raacay, markii ay jeelka ka baxeen habeenimadii.
 Labadaa Maxbuus oo la qabtay Feb, 2010. Kadib qaraxii u danbeeyay ee ka dhacay laascaanood, kuwaas oo mid ka mid ahi ahaa ganacsade, halka ka kalena ahaa macalin wax ka dhiga mederasad ku taal Laascaanood. Waxaana jira warar sheegaya in qaabka maxaabiistu u baxday ahaa qaab farsamo oo laga shaqeeyay iyadoo ay wararka qaar sheegayaan in  la adeegsaday aduun iyo lacago madax furasho  ah.
Maxaabiistaa oo ahaa  gar  sugayaal  ayaa ka mid ahaa dadkii falalkaa qaraxyada iyo shirqoolada loo qabqabtay horaantii Feb  2010, kuwaas  oo loo haystay falalkii qaraxyada iyo shirqoolada ka socday ilaa Nov,  2009 xiligaa oo ku beegnaa markii shirqool  qarax Miino nooca Rimuutka laga hago ah lagu dilay Taliyihii qaybta 12aad ee Ciiadnka qaranka Somaliland Co. Yuusuf Nuur, iyadoo wixii  mudadaa ka danbeeyay xaalada amaanka ee xarunta gobolka Sool ee Laascaanood noqotay meel ay falal shirqoolo dilal iyo qaraxyo lala beegsado masuuliyiinta Hay’ayadaha Dawlada ee halkaa ku sugan.
Dhinaca kale waxay arrintani kusoo beegantay xili masuuliyiintii u saraysay ee  ciidanka Bilayska gobolka Sool la bedelay , balse aanay weli xilka la wareegin masuuliyiinta cusub ee heer gobol loo magcaabay Bilayska, ka dib markii  laba maalmood ka hor lasoo bedelay Taliyihii qaybta gobolka Sool ee Bilayska Maxamed Saleebaan Gooni, kaas oo lagu bedelay Axmed Maxamed Guutaale, iyadoo ku xigeenka Taliyaha qaybtana loo magcaabay Xariir Cilmi Xujaale. Sidoo kale waxa la bedelay Taliyihii ciidanka baadhista denbiyada CID iyo hogaanka ciidanka Bilayska gobolka. Saraakiishaa la magcaabay oo si ay hawlohooda u bilaabaan u baxay gobolka Sool Axadii maanta.  Sida ay warar ku dhowdhow saraakiisha Bilaysku u xaqiijiyeen  maalintii Axadii shebekada Araweelonews.
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *