Xukuumadda Somaliland iyo Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somaliland iyo Somalia, ayaa kulan saacado qaatay oo ay ku yeesheen

maanta qasriga Madaxtooyada, kadib wada jir u shaaciyay in ay isla qaateen in xafiiska qaramada Midoobay ee arrimaha siyaasada u qaabilsan Qaramada Midoobay oo loo soo gaabiyo UNISOM laga furo Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Xafiiska Qaramada Midbaaya ee UNSOM hore u diiday in dalkeeda laga furo booqashadii u horaysay ee Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay Nickolas Kay ku yimi Somaliland Jun 2013, waxa xiligaa oo kulan dheer ay wada yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno golihiisa wasiiradiisa ka mid ah ka dib si weyn laysugu khilaafay qorashaha xafiiska, iyadoo xukuumadda Somaliland gebi ahaanba diiday in xafiiska UNISOM laga furo Hargeysa.

Khilaafka ka dhashay arrintaa ayaa sababay in Nickolas Kay laga mamnuuco Somaliland, waxaana gebi ahaanba xumaaday xidhiidhka Somaliland iyo Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay oo mudo ka badan sanad taagnaa, balse booqashadii u danbaysay ee Madaxweyne ku tegey London, ayaa sababtay in dib loo soo celiyo xidhiidhka Ergayga Qaramada midoobay iyo Somaliland, waxaana lagu casuumay in uu markii labaad ku yimaado booqasho Somaliland Isniintii 18 August 2014.

Sir. Nickolas Kay oo ka hor intii aanu soo gaadhin Hargeysa kusoo hakaday maamul goboleedka Somalia ee Puntland oo Somaliland muran dhinaca xadkeeda ah ka dhexeeyo, wuxuu kulan albaabada loo xidhay oo aan saxaafadu goob joog ka ahayn la qaatay Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah wasiiradiisa muhuumka ah.

Lama ogga xaqiiqdii kulankaa waxyaabaha lagaga wada hadlay, balse natiijada kulankaa waxay wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Nickolas Kay, warbaahinta si wada jir ah ugu sheegeen in laga heshiiyay khilaafkii ka dhashay furitaanka xafiiska Qaramada Modoobay ee Somalia oo qayb ka mid ah laga furayo Caasimada Somaliland Hargeysa.

Ka hor inta aynaan u gudbin sababta xiligan Somaliland u ogolaatay furitaanka Xafiiska, waxaynu si kooban u sharaxaynaa ujeedada xagfiiska qaramada Midoobay ee UNISOM, kaas oo ah xafiiska maamulaya gebi ahaan arrimaha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo hawlaha iyo qorshayaasha ay ka wado Somaliland iyo Somalia.

Jun 2013 oo ku beegan magcaabistii Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia iyo Somalia Sir, Nickolas Kay, waxay magacaabistiisa Somalia la kowsatay markii la aasaasay xafiiksa qaramada midoobay UNISOM, kaas oo bedelay xafiiskii hore ee UNOPS ee uu madaxda ka ahaa Ugustina Mahinga.

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo ka duulaya qaraaradii ay hore uga soo saareen sagaashanaadkii Somalia markii ay burburtay dawladii Somalia, ayaa 2 May 2013,  soo saaray, isla markaana isku raacay Qaraarka tirsigiisu ahaa 2102 (2013), kaas oo lagu abuurayo Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM). Hawlgalka qorshaha sucub ayaa bedelay Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) oo xilkiisa dhammeystay 3da June 2013.

Xafiiskaa oo qorshe qarsoon oo siyaasadeed iyo qaybta isku dubaridka gargaarka ka shaqaynaya waxa markii ay dhamaaatay mudadiisa oo ahayd  hal sano, maandheytka xafiiska la cusboonaysiiyay 29 May 2014,  iyadoo lagu daray sanad kale, waxaana lagu cusboonaysiiyay qaraarka Golaha amaanka ee Tirsigiisu ahaa 2158, kaas oo loo raacayo qaraaradii hore ee golaha amaanku kasoo saaray Somalia markii ay burburtay dawladii dhexe 1991-kii oo awood u siinaya in Qaramada Midoobay ay masuul ka tahay Somalia ilaa inta la helayo dawlad rasmi ah oo ka dhalata.

Booqashadii sanadkii hore uu ku yimi Mr. Kay Somaliland, waxay ku beegnayd maalmo yar ka dib markii xilkaa loo magcaabay. Xafiiskaa oo loo asteeyay inuu ka hawlgalo Somalia, waxaa ujeedada loo aasaasay tahay in uu dawlada Somalia ee Federaalka kala shaqeeyo hirgelinta nidaamka dawliga ah iyo sidii Hay’addaha dawlada loo xoojin lahaa, isla markaana Somalia looga hirgelin lahaa nidaamka Federaalka, dib u eegista dastuurka qabyada ah iyo sidii doorashooyin xor ah loo gaadhsiin lahaa Somalia marka la gaadho 2016.

Sidoo kale, waxa xafiiskaa loo xilsaaray inuu Dawlada Somalia kala shaqeeyo xoojinta Hay’addaha amniga, horumarin Xuquuqda Aadamaha, taageerada iyo sidii awood loo siin lahaa Haweenka, waxa kale oo uu xafiiska UNISOM, qayb ka qaata isku duba-ridka hawlaha gargaarka ee Somalia.

Si kastaba ha ahatee waxa hubaal ah in xafiiska Qaramada midoobay ee UNISOM, yahay xafiis fulinaya qorshaha iyo siyaasada qaramada midoobay ee ku waajahan Somalia, kaas oo ay cadahay ujeedada loo aasaasay iyo siyaasada hawlaha uu fulintooda u xil saaranyahay. Sidaa awgeed furtaanka xafiiskan oo u adeegaya meelmarinta nidaamka Federaalka iyo sidii Hay’addaha dawlada Federaalka loo xoojin lahaa, isla markaana loogu fidin lahaa dhulkii iyo deegaamadii Jamhuuriyadii laysku odhan jiray Somalia, maaha mid maslaxad iyo wanaag usoo wada Somaliland. Sidaa awgeed waxa su’aasha jawaabteeda looga fadhiyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tahay sababta aqbalaada xiligan ee xafiiska Qaramada Midoobay ee ay sanad ka hor diiday in laga furo dalkeeda.

Faallo Carraale M. jama Journalist and Human Rights Activist

Jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *