Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland, ayaa xilkii uu hayay ka qaaday masuul ka tirsan Xukuumaddiisa, isagoo dhinaca kalena masuul cusub u magcaabay Gobolka Buuhoodle.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo u qornaa sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2823/102014,
Xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle, isla markaasina waxa uu madaxweynuhu Gudoomiye Cusub u  magacaabay Gobolka, halka Gudoomiye ku xigeenkii Xilka laga qaaday aan weli la soo magacaabin masuul buuxiyamadaxweynuhuna uu dib ka soo magacaabi doono.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay:  Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Markuu Tixgeliyay:   Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Garwaaqsaday:   In baahi loo qabo buuxinta xilka Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle;

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay hawshani khusayso;  Markuu ku qancay:   In uu hanan karo xilkan;

Wuxuu go’aamiyay In Mudane, Cismaan Ciise Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis Ku:      Mudane, Cabdi-qani Cabaas Muuse   Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle   

Mudane, Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo shaqada Qaranka.
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexanyahay Xoghayaha gaar ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyadda Somaliland Naasir Yuusuf Daahir (Naasir Naska)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *