Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Dahir Rayale Kaahin, isla markaana ahaa  Madaxweynihii dhowaan laga guulaystay doorashada madaxtooyada  Somaliland ayaa maanta magaalda Addis Ababa ee dalka Ethiopia kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Dawladda Ethiopia Mudane Meles Zenawi iyo madaxweynaha Ethiopia Girma Woldegiorgis. Sidaana waxa

 lagu sheegay qoraal kooban oo uu magaalada hargeysa kasoo saaray gudoomiyaha xafiiska siyaasada ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax
Qoraalka waxa lagu sheegay inay xukuumada Ethopia uga  mahad uga celiyeen madaxweynhii Hore hir gelinta Demoqraadiyada Somaliland iyo sidii qiimaha lahayd ee uu xilka ugu wareejiyey dawladda cusub, taas oo ahayd mid dalka ka badbaadisay xasilooni daro baahda.  Waxay ku tilmaameen doorashadii Somaliland mid ku dayasho mudan, oo Afrika ay Somaliland ku soo kordhisay. Ayaa lagu sheegay qoraalka.
Iyadoo uu Mr. Daahir Rayaale Madaxweynihii hore uga mahad celieyey xidhiidhkii iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo ah saaxiibtinimo dhow oo sokeeye ah, waxuna u rajeeyey inay xidhiidhkaa halkiisa kala sii wadaan dawladda cusub, Ethiopiana noqoto wado Somaliland u marto xidhiidhka caalamka. Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi waxu u ballan qaaday inay xidhiidhka halkiisii ka sii wadayaan, wada shaqayna la yeelanayaan Dawladda Cusub ee uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalialnd Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) Waxa kulnkaa kula wehelieyey saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga,
1. Abdillahi Mohamed Ducaale (Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibada)
2. Axmed Mohamed Ciise ( Xoghayihii hore ee madaxweynaha) sida uu qoraalkaa ku sheegay gudoomiyaha xafiiska siyaasada ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax.
War saxaafadeedka ayaa si dadban waxba kama jiraan uga  dhigaya warar shebekada hadhwanaag lagu baahiyay oo sheegaya in kulanka gudoomiyaha UDUb  ee Adis-ababa ay ku weheliyeen wasiirkii hore ee macdanta iyo Biyaha Cismaan iyo Maaliyada Cawil, iyadoo warkaa la geliyay sawiro waqti hore oo ay ka muuqdaan xubno ka mid ah golihii wasiirada ee Rayaale,  balse qoraalka kulankaa kadib uu saaray  oo isagu ku sugan hargeysa gudoomiyaha siyaasada ee UDUB waxa lagu  sheegay in kulankaa Madaxweynihii hore ay ku weheliyeen wasiirkii hore ee arrimaha debeda iyo xoghayihiisii.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *