Hargeysa(ANN)Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta tababar ugu soo xidhay dugsiga tababarka Mandheera 362 askari oo Boolis ah, kuwaas  oo muddo Afar bilood ah baranayay shuruucda iyo tabarka ciidamada amniga.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay munaasibada xidhitaanka tababarka ciidanka waxa kasoo qeyb galay Wasiirrada Madaxtooyada, Arrimaha gudaha, Cadaaladda iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, Badhasaabka gobolka Saaxil iyo saraakiisha ciidamada Booliska ka tirsan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland  Cabdillaahi Fadal oo ka hadlay xafladaa ayaa sheegay in ciidanka oo u badan dhalinyaro ay u qaateen ciidanka Booliska,  isla markaana ay muddo Afar bilood ah baranayeen tababar sare oo la xidhiidha shuruucda Booliska iyo tababarada ciidammadda. Taliyuhu wuxuu ciidamadan tababarku u xidhmay u soo jeediyay inay hawl maalmeedkooda shaqo ku dabakhaan macluumaadkii ay ka korodhsadeen tababarkan.


Sidoo kale Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle (Duur),  ayaa hanbalyeeyay ciidanka tababarka loo soo gabo-gabeeyay, wuxuuna  usoo jeediyay inay bulshadooda u fuliyaan adeega xasaasiga ah ee Nabadgelyada ee ay u hayaan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Ciidanka Booliska dhaqaale uma kordhin miisaaniyadiisu waxay la mid tahay tii sanadkii 2011-kii, Ciidanka intan leeg iyo cududa intaa leeg in ciidanka Booliska lagu soo kordhiyo waa dedaal la iska kaashaday,  ciidankani wuxuu qaatay tababar sare oo shaqadooda la xidhiidha, waana lagama maarmaan in in ciidanka Booliska oo u baahan in kor loo sii qaado tayada aqoontooda iyo agabkoodaba si ay u daboolaan adeega halbowlaha ah ee ay u hayaan bulshadda Somaliland.”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu
.
Geba gebadii munaasibadaa waxa ka hadlay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xafladaa,  ayaa sheegay inaanay xukuumad ahaan waxba ka hagranayn tayaynta ciidanka Booliska, waxaanu tilmaamay in marba wixii loo qaban karo loo qaban doono.


“Dhammaanteen sharaf ayay inoo tahay inaanu ka qeyb galno xafladan aadka u qiimaha badan leh ee aynu tababarka ugu xidhayno ciidanka tiradaa leeg ee tababarku u xidhmay. Waxaynu ku guulaysanay inaynu helno ciidan da’yar oo ku biira Ciidanka Booliska, waxaanan bogaadinayaa Ciidankan tababarku u xidhmay,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo shahaadooyin gudoonsiiyay kooxdaa ciidanka Booliska ee tababarku u dhamaaday.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *