Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa qurba-jooga Somaliland ee ka kala yimi daafaha dunida ugu sameeyey xarunta madaxtooyada martiqaad ballaadhan oo isugu jira casho-sharaf iyo soo dhawayn ah Munaasibadaa  casuumada


ah  ee  qurba-jooga Somaliland lagu soo dhaynayey, waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne-ku-xigeenka, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, Golaha Guurtida iyo boqollaal ka mid ah qurba-jooga Somaliland oo ka kala yimi waddamo kala duwan oo dunida ah.


Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo furitaankii xafladda ka hadlay, ayaa si diiran u soo dhaweeyey qurba-jooga Somaliland, isaga oo ka waramay doorkay ku leeyihiin horumarka dalka iyo marxaladihi halgan ee loo soo maray goonni-isu-taaga Somaliland, waxaannu yidhi “Waxaan salaan kal iyo laab ah u soo jeedinayaa dadweynaha ka soo qaybgalay, qurba-jooga reer Somaliland iyo martisharafta kale ee madaxda leh ee ka soo qaybgashay.Qurba-jooga Somaliland waa dad aynu wada qirayno oo ognahay waxa xiisaha qarankooda ay u yimaadeen jacaylka ay waddankooda u qabaan, karaamaday dalkooda iyo dadkooda u leeyihiin,. Waxaan aad u xasuustaa waqtigii halganka dheer lagu jiray ee Somaliland xornimadeeda u dagaalamaysay meesha talada, arrinka iyo xoogguba ka imaanayey amma lagu soo aasaasayey ururka SNM waxa uu ahaa waddamada ay qurba-joogeenu ku dhaqan yihiin, waxay ahaayeen dadweynaha ka ciyaarayey doorka muhiimka ah ee halganka, hadday tahay xorriyada iyo nabadda, mar walba door laxaad leh oo muuqda oo la qiimayn karo oo aan u booggaadinaayo ayey marwalba ku lahaayeen qurba-joogu. Waxa kale oo qurba-joogu gacan weyn ku lahaayeen dhismaha dalka iyo horumarintiisa.”
Waxa uu Md. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay qurba-jooga inay sii laban laabaan dedaalka ay dalkooda horumarkiisa ugu jiraan. Waxa kale oo uu xusay madaxweynuhu wac-darahay qurba-joogu ka sameeyeen meelkasa oo ay joogeen oo ku muujinaayeen qadiyadda madaxbannaanida Somaliland.

 

 

“Waxa loo baahan yahay waxa weeye in hawshaas la sii labanlaabo, waynu ognahay inay qurba-joogu magaalooyin badan, tuulooyin badan iyo gobollada fog fog mid walba halkii ka yimi ay dhisayaan meelihii caafimaadka, dugsiyadii, waxaynu ognahay inay Barlamaanada iyo dunida ay la joogaan qadiyada Somaliland ka muujiyaan, waxa lama iloobaan ah .20 guuradii 18-ka ee ka soo wareegtay goonni-isu-taaga Somaliland doorkay ka qaateen meel kasta oo ay joogaan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
“Waxaannu idin leenahay aad iyo aad baannu idinku soo dhawaynaynaa, waddanku waa dalkiinii, dawladdu waa tiinii, qaranku waa qarankiinii, waa tii aad u soo halgamayseen,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxa uu madaxweynuhu ku guubaabiyey qurba-jooga Somaliland inay carruurtooda ku barbaariyaan waddankooda iyo nabadgelyadiisa, isla markaana ay ka ilaaliyaan waxyaabaha nabadgelyo darrada ah ee ka dhacaya mandaqadda.
“Nabadgelyada oo ah aynu ku caan-baxnay oo aynu ognahay doorkaynu ku leenahay, waxaan jecelahay dhallinyarada iyo meeshay joogaanba lagu abuuro oo had iyo goor ka warqabaan dareenada iyo mandaqadaynu ku nool nahay warkeeda oo dadka waaweyn ee xilkasta ahi ku guubaabiyaan dhallinyarada waddaniyada, dhaqanka iyo diinta jacaylkeeda,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Mr. Muuse Biixi Cilmi oo halkaas ka hadlay, ayaa hadalo soo dhawayn ah halkaas uga soo jeediyey qurba-jooga, isaga oo ugu baaqay in ay waddankoda qurxintiisa iy horumarintiisa dhinaca aqoonta ku dedaalaan oo xil iska saraan.
“Wixii hore aad soo qabateen waannu idinku mahad-naqaynaa, waananu idinku hambalyeynaynaa, waqtigan waxa jira oo qoladan qurba joogahi ii sheegeen in hoygu macaan yahay, haddii aad doonaysaan hoyga aad ku soo noqonaysaa ee carruurtiinu ku soo noqonayso qurxintiisu idinkuu idiin yaalaa, waxaannu doonaynaa inaad hormood u noqotaan kumanaan injineer, boqollaal dhakhtar iyo intaas oo aqoonyahan oo aad fursad u hesheen intaaba inaad barataan inaad dalkiina ku soo kordhisaan inaad isku qabaysaan oo xilkaa qadaan,” ayuu yidhi Mr.Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isagu waxa uu iftiimiyey doorkii ay qurba-joogu ka qaateen guushii xisbiga KULMIYE ka so hooyey doorashadii madaxtooyada ee 26 June 2010 dhacday, isaga oo sidoo sheegay inay door muhiim ah ka qaateen dib-u-dhiska dalka, waxaannu yidhi; “Waa dadkii dib-u-dhiska iyo dib-u-xorraynta dalka qaybta weyn ka qaatay, waa dadkii isbeddelkii dalka ka dhacay laf-dhabarta ka ahaa. Waad mudan tihiin in madaxweynuhu xafladan caawa idiin sameeyo.”
Mr. Saleebaan Maxamed oo ah Guddoomiyaha Wakaallada Qurba-jooga ah, ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha xafada ballaadhan ee uu ku shafray.


“Waxa farxad noo ah aniga oo ku hadlaya afka qurba-jooga Somaliland intii duruuftu ay u samaaxday inay dalkooda dib ugu soo noqdaan aad iyo aadbay noo farxad gelinaysaa,” ayuu yidhi Mr. Saleebaan Maxamed.
Mr. Cabdixakiim Maxamed Sheekh oo ka mid ah qurba-jooga Somaliland, ayaa halkaas ku soo bandhigay filim dokumatari ah oo si mug leh uga warramaya waxqabadkii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo muddadii ay jirtay, kaas oo ay ka soo ururiyeen gobollada iyo degmooyinka dalka, isla markaana tabanaayey dhinac wal oo horumarka dalku gaadhay ah.
munaasibadaa waxa kale oo ka hadlay shaqsiyaad bulshada caan ka ah, kuwaas oo ka waramay doorka qurba-jooga iyo kaalinta ay ku leeyihiin isbedelka dalka ka dhacay iyo ka qayb qaadashada guud ahaanba horumarka dalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *