Photofile

Scoop News

Laascaanood(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa in

 

 

saacadaha soo socda, ama maalamaha fooda inagu soo haya safar ugu baxo xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo sheegaya safarka Madaxweynaha iyo ujeedada booqashadiisa, balse warar la xidhiidha safarkiisa oo ay shebekada wararka Araweelo News Netwok ka heshay meelo kala duwan ayaa xaqiijiyay jiritaanka safarka Madaxweyne, waxayse illo wareedyadaasi ka gaabsadeen in ay iftiimiyaan ujeedada safarka iyo xiligga uu ku beeganyahay.

 

Dhinaca kale waxa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ku sugnaa maalmahan wefdi uu hogaaminayo Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta  Gobollada Bari ee Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Sandule) oo ay xubno ka yihiin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir, kuwaas oo ujeedada socdaalkooda lala xidhiidhiyay in ay gogol xaadh u yihiin wefdiga Madaxweyne Siilaanyo ee la filayo in ay sacadaha soo socda, ama maalmaha fooda inagu soo haya ku tagaan Laascaanood.

Mid ka mid ah Odayaasha deegaanka ayaa u sheegay shebekadda wararka ee Araweelo News Network in booqashada Madaxweyne Siilaanyo ee la hadalhayo ee ku waajahan Laascaanood aanay micno weyn u samaynayn dadka deegaanka, wuxuuna xusay in wefdigii ugu danbeeyay ee Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan uu hogaaminayay oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha aanay waxba ka fulin Balanqaadkii ay dhowaan ka sameeyeen Taleex ilaa Xudun, isla markaana aan waxba laga qaban xaalada collaadeed ee ka taagan weli deegaanka Saax-dheer Sool, Taleex ilaa Buuhoodle. Sidaa awgeed aanay macno weyn u samaynayn booqasho uu xiligan ku taggo Laascaanood Madaxweyne Siilaanyo.

 

Socdaalka la filayo inuu Madaxweyne Siilaanyo ku taggo Laascaanood ayaa haddii ay dhabowdo nooqnay booqashadii Labaad ee mudadii uu xilka hayay ku taggo Laascaanood, isagoo hore u booqday Oct, 2011, sanad iyo dhawr bilood markii uu xilka hayay magaalada Laascaanood iyo fadhiisimada ciidanka Qaranka ee Kulaalaya Garoowe.

booqashada Xiligaa ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa ahayd mid  si weyn loogu soo dhoweeyay deegaankaa, balse waxa la saadaalinayaa in ay xaalada deegaanku ka duwantahay tii xiliggaa uu booqday Madaxweyne Siilaanyo ku dhowaad ka hor, iyadoo ay waqtigan deegaanka Sool ka jiraan tabashooyin iyo duufaano siyaasadeed, kuwaas oo ay sii xoojiyeen siyaasiyiin miisaan ku lahaa dadka deegaanka oo cadho u tegey deegaankii ay kasoo jeedeen iyo kuwo ka goostay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo u galay maamulka Puntland, waxa kale oo xaalada deegaanka saamayn ku yeeshay dhawaaqa doorashada Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo u doorteen hogaamiye siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo saamayn aanu hore ugu lahayn ku yeeshay dadka deegaanka.

Araweelo News Network

Hargeysa Somaliland

Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *