Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. Ayaa soo saaray xeer uu ku dhaqan-gelinayo aasaaska

 

Ciidanka Ilaalada Sahaminta iyo soo saarista Shidaalka Dalka, kaas oo laga soo xulayo Ciidamada kala duwan ee Qaranka, isla markaana noqonaya qayb gaar ah oo hoos imanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu Madaxweyne Siilaanyo soo saaray maanta gelinkii danbe, kaas oo uu ku abuuray ciidankaa oo aan lagu sheegin xeerka inta tiradiisu noqonay.
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u qornaa sidan:-
“ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu

Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.

Madaxweynuhu Markuu Arkay:  Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda  Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;

Markuu Arkay:  Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda  Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka; Markuu Arkay:  Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011

Markuu Arkay: Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda   Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay  mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.

Markuu Tixraacay:  Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo ilaalintiisa;

Markuu Garawsaday: Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;  

Wuxuu Go’aamiyey

Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry),  Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.” Ayaa lagu yidhi Qoraalkaa oo kusoo beegmay xili ay soo baxayaan muran isa soo taraya oo u dhexeeya qaar ka mid ah shirkaddaha xukuumaddu heshiishyada la gashay, kuwaas oo Baloogyada la siiyay isku mid noqdeen, taas oo sii xoojisay xiisada hore uga taagnayd qaabka loo maaamulay heshiishyada shidaalka oo dadka deegaanku tabashooyin badan ka qabaan, kuwaas oo xukuumadda Madaxweyne dhegaha ka furaysatay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *