1ms1Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa u salaadii Jimcaha  si kedisa kula tukaday Kumanaan ka mid ah Shacbi weynaha Reer Somaliland ee

silanyo5

ku tukanaayey Masjidka Cali Mataan ee Badhtamaha Caasimada Hargeysa.

silanyo2Madaxweyne Siilaanyo oo aan wadan wax ilaalo ah, marka laga reebo Taliyaha Booliska Sareeye Guuto Cabdullaahi Fadal Imaan  iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuriyada Somaliland Gaashaanle  Faysal Kaamil Ciise oo iyaga oon wadan Astaanta Ciidamada ama Dirays-ka ciidanka ku weheliyay Madaxweynaha  kormeerka,  Salaada ka dib waxa uu madxweynuhu indho-indhayn iyo u kuurgelidba ku soo maray Suuqyada Ganacsiga, sida goobaha Safirka lacagaha,Dahablayaasha iyo Goobaha kala duwan ee ganacsiga, isagoo qaar ka mid ah dadka weydiiyay su’aalo la xidhiidha ganacsigooda.

silanyo3
Maaha markii ugu horaysay ee Madaxweynaha Qaranku uu ku soo kormeero goobo kala duwan shacbigisu ku sugan yahay, haddii ay noqon lahayd mid ganacsi iyo mid nololeedba, waxayna daba socotaa ka war haynta iyo xogogal u noqoshada shacbiga, isaga oo Madaxweynuhu xiliyada ku haboon ku soo maro meelaha ay shacbigu u badan yahay ama ganacsiga, isaga oo madaxweynuhu ka duulaya masuuliyada shacbiga, ayuu go’aansaday inuu la qaato Farxada maalinta Jimce ee ay Shucuubta Caalamu-islaamku ay kaga nasanayaan  shaqooyinka gaar ahaan Shacbiga Caasimada Hargeysa.

silanyo4

Madaxweynaha oo salaada ka dib socdaal lug ah ku soo maray meelo muhiimka ah sida Laamiyada Caasimada, isaga oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xildhibaan Nacnac, Agaasimaha Guud ee Bank Somaliland iyo Maareeyaha Tv-ga Qaranka ayaa ka dib waxa uu ku soo Guryo noqday Madaxweynuhu isaga oo wata Baabuur Private ah, Qasriga Madaxtooyada. Ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Madaxtooyadda oo lagaga hadlayay kormeerka Madaxweynaha.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *