madaxweyne siilaanyo1
Hargeysa (Araweelo News Network) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horreysay caddeeyey inuu yahay murrashax mar labaad xisbigiisa u ordaya tartanka madaxtinimo ee

 

doorashada sannadkan dambe.
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu xusay in aannu waxba ka qabin in xisbiga dhexdiisa lagula tartamo, inkastoo uu sharci-darro ku tilmaamay in isagoo madaxweyne doorashadii hore ku guulaystay lagula tartamo xisbiga dhexdiisa.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay maanta qasiraga Madaxtooyadda, kaas oo uu kaga hadlay khilaafka xisbiga KULMIYE, murrashaxnimadiisa, qaraxyadii Hargeysa habeennadii u dambeeyey ka dhacayey iyo arrimo kale oo badan.
Qoraalkaa ayaa u dhignaa sidan:- “Nabadgelyadu waa shay ku qaaliya ummadda reer Somaliland, waxay usoo mareen dariiq dheer, waxaynu umad ahaan ku difaacnaa inagoo isku duuban, waxaynu feejigo u lahayn, oo iska illaali naynay, cadaw meel fog inooga yimaada, waxaase ayaan darro ah, in kuwii aan ammaanka u diray iyo kuwii damaca lahaa ee dalkan inay xukumaan doonayey, laga soo sheego waxyaallo ammaanka kulidi ah, iyo inay isku dayaan in ay qarankan khalkhal geliyaan.
Waxaan leeyahay qarankan anigaa masuuliyada 1aad iga saarantahay, umma dulqaadanayo, mana aqbalayo cidna gorgortan, kala gelimaayo ammaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelin lahaa,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayey khilaafka xisbigiisa kala qaybiyey waxa uu yidhi, “Waxa maalmahan soo baxayey khilaaf xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah, waan ka xumahay manaan filayn waqtigan oo waxaan u haystay in aan kala reebay intii is haysay, oo weliba guddi turxaan-bixineed u saaray, taa soo suurtagelisay in shirwaynihii loo soo gebagebeeyo si qurux badan, waxaana halkaa lagu doortay shirguddoonkii maamulayey shirka, hoggaankii xisbiga, iyadoo layslaqaatay in  Golihii Dhexe iyo fulintii lagu soo ururiyo shirguddoonka shirka. Waa lagu soo ururiyey waanay soo saareen.
Haddiiba uu soo baxo is-fahamwaa waxay ahayd in si hoose loo dhammeeyo, hoggaanka xisbigu wadafadhiisto, kaadirka xisbiga loo yeedho, xildhibaannada la talogeliyo, haddii taasi dhammayn waydo xisbigu sharci buu leeyahay, dalkuna sharci buu leeyahay. Buuq iyo qaylo toona looma baahnayn.
Arrinta murrashaxnimada madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE ma jirto ballan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee, waxa jirtay oo golaha dhexe soo saaray in aan guddoomiyaha ku wareejiyo marka aan ku guulaysto tartanka doorashada madaxweynaha, waxaanan ku wareejiyey bil-gudaheed.
Waxaa Xisbigu ii doortay murrashaxa madaxweynaha, waanan ku guulaystay sharciguna wuxuu i siiyey labo jeer (two terms), waan sharaxanahay diyaar baan u ahay cidkasta oo ila tartanta.
Waxay ahaan jirtay dabeecada nidaamka dimuqraadiyadu in la tartamo, balse ma dhacdo xisbi xaakin guulaystay oo xisbigiisu la tartamaa. Aniguse waxba kamaqabo.”
Waxa kale oo uu ka hadlay dhexdhexaadinta Guurtidu wado, waxaannu sheegay inuu ogolyahay ergadooda, “Odayaasha Guurtida way ku mahadsanyihiin dedaalka, qiimo wayna waan u hayaa, xaasha ma diidin, mana diidikaro oo waxaan ahay ninkii 80 cod ay kaga kexeeyeen duco-qaado, balse arrintani waxay u baahantahay in xisbiga gudihiisa iyo sharcigiisa lagu daweeyo,” ayuu qoraalkiisa ku soo gebagebeeyey Madaxweynuhu.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *