madaxweyne siilaanyo1Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in aanay Somaliland waligeed dib u soo noqonaynin

 

wixii la odhan jiray Soomaali-weyn, taas  oo uu sheegay in ay shacbiga Somaliland ka dhaxleen bur bur iyo dhibaato. Sidaa awgeed ay shacbiga reer Somaliland go’aan aan ka noqod lahayn ku dhisteen qaranimadooda iyo dawladooda Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaa ku sheegay dhambaal hambalyo ah oo uu shacbiga Somaliland u diray, kaas oo uu ku beegay munaasibadda 54 guuradda ka soo wareegtay markii shacbiga Somaliland ay xornimadoodii ka qaateen Boqortooyadii Baritain 26 Jun 1960, balse ay la midoobeen afar maalmood ka dib Koonfurta Somalia ee Talyaanigu gumaysanayay.

Dhanbaalka Madaxweynaha Somaliland ayaa u dhigaan sidan:- “Madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland isagoo ku hadlaya magaciisa ,magaca goleyaasha qaranka iyo guud ahaanba magaca shacabka jamuuriyada Somaliland waxaaa uu munaasibada 26 –june darteed hambalyo u dirayaa shacabka reer Somaliland guud ahaan meel kasta oo ay joogan gudo iyo dibadba.,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa uu ka sheekeeyay dhibtii iyo burburkii Soomaaliya kaga abaal-ka dhacday baholyowgii shacbiga Somaliland u qabeen midnimadii Soomaaliyeed,waxaanu yidhi “Madaxawayanaha jamuuriyada Somaliland waxa uu xusay gobonimadii dadka reer Somaliland ay heleen 1960-kii in ay noqon wayday oo wixii laga filaayay ay marin habawday, shacabka Somaliland wanaagii iyo jecelkii ay u qabeen walalahooda Soomaaliya waxaa loogu bedaley, dhibaatooyin iyo burbur gayaysiiyay aakhirkiina keenay in dalkooda ay gabi ahaana ay dibada uga baxaan, Cadaadiskii,dilkii iyo dhicii lagu hayay darteed.”

“Qalad-kaasi dhacay lixdankii waxaa dib loo saxay 1991-kii markaasi oo gudoon lagu gaadhay qaranimada Somaliland in ay gaarkeeda ay ahaato, lana abuuro dawladnimo dadkeeda u dhigta mustaqbal iyo aayatiin wacan , waxaanay dawlada Somaliland iyo shacabkeeduba u quus go’nayaan kuwa quudaraynaya wixii la odhan jiray Somaali-wayn in anay waligeed dhici doonin in go’aankooda ay dib uga laabtaan shacabka Somaliland ,”ayuu intaas ku kabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

“Xaqa go’aan ka gaadhista aayahooda cidna marti ugama aha, Dadaalka ay ku xaqiijinayaan qaranimadooduna waa tii ay ku soo dhiseen nabad galyadooda, nidaamkooda dawladnimo, oo saldhig adag ay u tahay nidaam tastuur ah oo waajibinaya jidhka dawladnimada loo marayo oo ah nidaam dimuqaraadi ah. Ugu danbayntii madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland waxa uu u soo jeediyay shacabka reer Somaliland in ay foojignaan dheeraad ah u yeeshan nabad- galyadooda iyo difaaca qarankooda,”ayuu ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo fariinta uu xuska munaasibadaa u mariyay shacniga Somaliland warbaahinta.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *