Madaxweynaha Somaliland Axmed  Siilaanyo ayaa la filayaa inuu qorshaynayo  waqtigan sidii uu wax uga bedeli lahaa muuqaalka Xukuumaddiisa iyo siyaasadiisa ku waajahan

gudaha iyo debeda, isla markaana isku shaandhayn iyo magcaabis ku samaynayo golihiisa wasiiradda iyo Hay’addaha kale ee dawlada.

Ma jiro war qasriga Madaxtooyaddu kasoo saaray qorshaha Miiska yaal ee Madaxweyne Siilaanyo inuu wax kaga bedelo xukuumaddiisa Madaxada la geleysa sadex jirka.

Hase yeeshee tibaaxo iyo xoggo u dhuun daloola siyaasada iyo qorshaha Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ka mid ah shaqsiyaadka aan ka muuqan mansabyada siyaasada iyo xilalka, balse talada iyo awooda ku leh higaaminta iyo qorshaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo shebekaddaha Mataanaha ah ee degelada Arraweelo.com iyo Araweelonews News soo xigateen ayaa tibaaxay inuu Madaxweyne Siilaanyo waqtigan qorshaynayo is bedel ku waajahan xukuumaddiisa, kaas oo ay suurta gal tahay inuu sababo in kooxda Awooda badan ee wadaada ku xeernaa ay saamayn ku yeelato talaabada iyo qorshaha cusub ee miiska u yaala Madaxweyne Siilaanyo.

Qorshaha cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa lala xidhiidhiyay sida ay sheegayaan Tibaaxahaasi Talooyin uu muddo iska dhega tirayay oo kaga imanayay dhinacyo mihiim ah oo la rumaysan yahay inay yihiin kuwa dhaqaalaha, Tallada  iyo taageerada la daba taagnaa Madaxweyne Siilaanyo mudadii dheerayd ee uu loolanka ugu jiray sidii uu ugu guulaysan lahaa hogaaminta dalka.

Sidoo kale qorshaha cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ku doonayo inuu is bedel ku sameeyo xukuumaddiisa ayaa la xidhiidha diyaar garawga sidii uu kursiga ugu sii negaan lahaa, maadaama mudada xilkiisa oo madaxa la gelaya sadex sanadood, wixii hadda ka danbeeya mudada sharciga ah ee xilkiisa ka hadhan yihiin laba sanood oo keliya, balse uu qorshaynayo inuu kursiga kusii fadhiyo, taas oo uu hore u shaxaystay doorashooyinkii golaha deegaanka ee kal hore dalka ka qabsoomay iyo muda kordhintii dhowaan labada gole ee Baarlamaanku korodhsadeen oo meesha ka saartay in doorashooyinka Madaxtooyadda iyo kuwo Baarlamaanku ka baxaan daaqada, isla markaana loo kordhiyo Madaxweyne Siilaanyo marka ay dhamaato mudadiisa dastuuriga ah ee xilka madaxweynenimo.

Sidaa awgeed waxay tibaaxaha iyo xoggaha qorshaha cusub ee Madaxweyne Siilaanyo sheegayaan in uu doonayo qorshihii uu ku waajihi lahaa mushkilado iyo duufaano siyaasadeed oo ka dhasha muda kordhinta ka hor inta aanu waxba ka bedelin dhaliilaha maamulxumo iyo siyaasadaha is dabraya ee hadheeyay Xukuumaddiisa, kuwaas oo lala xidhiidhiyo inay saamaynta ugu weyn ku leeyihiin kooxda yare ee ku xeeran oo qalbi- jab ku abuuray hankii iyo hamigii sida weyn loogu guuxayay dhawr sanadood ka hor ee laga filayay Madaxweyne Siilaanyo oo ah hogaamiye loo arkayay inuu wax badan ka tarayo mushkiladaha dhaqaalle iyo kuwo siyaasadeed ee labatanka sanadood haystay Somaliland.

Qorshaha cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale tibaaxaha iyo xoggaha la xihdiidhaa sheegayaan in aanay ka madhanayn sidii uu talada xisbigiisa KULMIYE,  gacan bir ah ugu qaban lahaa ka hor inta aan la gaadhin xiliga kala guurka, iyadoo waqtigan ay  gacanta ku hayaan talada iyo awooda Xisbiga Kornaylada lasoo halgamay ee wixii ka danbeeyay markii uu hantiyay  guushii doorashada 26 Jun 2010,  ku xidhay gidaarka Baarliin, kuwaas oo uu indhaha ku hayo damacooda siyaasadeed iyo jawaabaha ay ka bixin karaan talaabooyinka uu qaado dhamaadka xilkiisa, ama xiliga kala guurka.

Sidaa darteed waxay xoggaha iyo Tibaaxaha shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelo News ka heleen arrimahaa iyo qorshaha Madaxweyne Siilaanyo ee miiska saaraan sheegayaan in ay suurta gal tahay in uu golihiisa wasiiradda kusoo daro dhawr qof oo Aqoonyahan ah oo ku cusub xayndaabka siyaasada Somaliland   iyo  kuwo hore ugu caan baxay xukuumadihii xiligii Daahir Rayaale iyo Marxuum Cigaal. Sidoo kalena ay saaxada ka baxaan ama darka laga fogeeyo xubno awood badan ku lahaa talada Madaxweyne Siilaanyo oo ka mid ahaa xubnaha safka hore, ama kooxda isku xidhan.

Qorshaha cusub ee miiska u yaal Madaxweyne Siilaanyo ayaa sida tibaaxahaasi sheegayaan ah in uu xukuumadda kusoo daro, isla markaana magcaabo Wasiirka Arrimaha Debeda Dr. Raaqiya C/llaahi Oomaar, Wasiirka  Qorshaynta Qaranka Prof.  Cabdi Ismaaciil Samatar, Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Prof. Cabdulqaadir Jibriil  Xaaji Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan, Wasiirka Waxbarashada Cali Maxamed Warancade iyadoo ay suurta gal tahay in xubin kale oo lagu Magcaabo Dr. Cali Ciise lagu soo daro golaha wasiiradda cusub, balse xubintaa oo ay saaxiibo yihiin Prof, Cali Khaliif Galaydh, isla markaana ka mid ahaa kooxdii Khaatumo kaga dhawaaqday Taleex ayaan lagu guulaysan dedaalo la doonayo in lagu soo xero geliyo.

Waxa kale oo isbedelka qorshaha cusub ee Madaxweyne Siilaanyo la filayaa in Wasiirka Maaliyadda Somaliland loo magcaabo Dr. Sacad Cali Shire, Wasiiradda, Maliyadda, Waxbarashada, Arrimaha debeda, Ciyaaraha, Wershedaha, Xanaanada Xoolaha, Boosaha, Madaxtooyadda, Hawlaha Guud. kaluumaysiga iyo  Duulista sidoo kale saraakiisha Hay’addaha Madaxada banaan,  Ciidamada iyo Wasiir ku xigeeno dhawr ah, ayaa la filayaa inuu saamayn ku yeesho qorshahan ama uu qaarkood galaafto, iyadoo tibaaxaha qaarkood sheegayaan in masuuliyiintaa qaarkood laysku bedelayo, balse intooda badan ka baxayaan daaqada.

Laakiin ka hor inta aanu qaadin talabadaa ayaa la filayaa inuu Madaxweyne Siilaanyo si degan ugu bandhigo qorshaha siyaasadeed ee wato iyo ujeedada isbedelka uu doonayo si ay raali ugu noqdaan, isla markaana aanay uga fogaan marka ay xilka waayaan xayndaabka Madaxtooyadda.

Waxa jira tibaaxaha qaar sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo qorshaha miiska u saaran la sugayo marka ay dalka kusoo laabtaan wefdiga Madaxweyne xigeenka iyo Gudoomiyaha Kulmiye, balse waxa loo badinayaa inuu ku dhawaaqista qorshan cusub ee siyaasadeed iyo isbedelka xukuumaddiisa ku beego dhawr todobaad ka dib mark la gaadho sanad guurada sadexaad ee kasoo wareegtay markii ay dalka ka dheceen doorashooyinkii uu ku guulaystay 26 Jun 2010, iyadoo dadka xiligan la socda siyaasada Madaxweyne Siilaanyo qaarkood ka gaws qabsanayan inuu isbedelka intaa leeg ku samaynayo xukuumaddiisa, isla markaana ay adagtahay inuu qaato go’aan iyo qorshe noocaa ah oo saamayn ku yeelanaya kuwa ugu awooda badan golohiisa wasiiradda, balse waxaynu eegi dooonaa maalamaha soo socda midka ay noqoto.

Faallo: By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.

E-mail Jaamac132@gmail.com

info@araweelonews.com

www.arraweelo.com

www.araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *