wefdiga UrurkaHargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda urur ka shaqeeya horumarinta Qaarada Afrika oo

lagu magacaabo (Brenthrust Foundation), kaas oo saldhigiisu yahay dalka South Afrika.

Xubnaha wefdiga  ka socda Ururkaa (Brenthrust Foundation) oo ka shaqeeya bixinta fikrado cusub iyo hal-abuurnimo lagu xoojiyo dhaqaalaha qaaradda Afrika, ayaa kulanka ay la yeesheen Madxweyne Siilaanyo oo maanta ka dhacay qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxa kulankaa ka dib laga sheegay in ururkani kala hawlgeli doono Somaliland sidii looga gudbi lahaa caqabadaha aqoonsi la’aanta beesha caalamka.

Agaasimaha ururka Brenthurst Foundation Dr. Greg Mills oo ah nin aqoonyahan si wayn looga yaqaan Koonfur Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika, isla markaana hoggaaminayana weftiga Somaliland yimi, ayaa warbixin kooban oo ay wadajir isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis siiyeen warbaahinta markii kulanku dhamaaday ku sheegay in Somaliland samaysay horumar ballaadhan oo dhinac walba leh oo isagu uu arkay muddo afar jeer ah oo uu dalka yimi tan iyo sannadkii 2003-dii, isla markaana booqashooda hadda ay ku qiimaynayaan heerka horumarku gaadhay, marka la barbardhigo waxyaabihii uu booqashooyinkii hore ku arkay.

Dr. Greg Mills Isagoo ujeeddada safarkooda ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxaannu joogi doonaa muddo toddobaad ah oo uu booqasho ku tagi doono meelo kala duwan oo dalka ka mid ah si aannu qiimayn ugu samayno horumarka Somaliland gaadhay iyo in aannu kala shaqayno dhibaatada hortaagan ee ah in aanay sharci ahaan u aqoonsanayn beesha caalamku. Xaqiiqo ahaana aqoonsi la’aantu waxay saamayn ku leedahay heerka horumarka, sidaasi darteed, waxaannu eegaynaa sidii hababkii arrintaasi loo mari lahaa ee uu horumarka Somaliland meel sare u gaadhi lahaa.”

“Si kastaba ha ahaatee waxaannu ku faraxsanahay horumarka Somaliland samaysay labaatankii sanno ee tagay, gaar ahaana intii ka dambaysay markii ugu dambaysay ee aannu soo booqanay oo ahayd sannadkii 2011-kii,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Dr. Greg Mills.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa  sheegay in weftigani kala shaqayn doonaan sidii Somaliland u heli lahayd aqoonsi caalami ah iyo dariiqa ay u mari karto.

“Waxa halkan noogu yimi wefti qiimo badan oo ka socda Brenthrust foundation oo dhawr jeer oo horena Somaliland yimi, weftiga oo ka kooban afar nin waxay noogu yimaadeen inay ka hadlaan sidii Somaliland looga caawin lahaa ictiraafka iyo raadintiisa oo ay aqoon badan u leeyihiin, waxay nala eegayaa sidii aynu arrinkaa u dedejin lahayn, waayo 23 sanno ayeynu sugaynay, waxaannuna kala hadlaynay dariiqada aannu u marayno,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *