Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto Madaweyne oo  uu shalay soo saaray xilkii kaga qaaday xisaabiyihii guud ee dalka  Ibraahim Aadan Qaalib, waxaana lagu sababeeyay xil ka qaadistiisa inay cabasho badani ka timi shaqadiisii. Qoraalka

 

 

Madaxweynuhu xilka kaga qaaday xisaabiyihii dawlada waxa  lagu sheegay in loo magacaabay   xisaabiyaha cusub  Maxamed Cabdi Badde, oo ah Agaasimihii Xisaabaadka wasaaradaha iyo kaantaroolka Miisaaniyada ee  Madaxtooyada. Qoraalkaasi waxa lagu faray in labada masuul ay xilka ula kala wareegaan si deg deg ah.
Dhinaca kale, Xisaabiyihii hore Ibraahim Aadan Qaalib oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa jawaab ka bixiyay  xilka qaadistiisa, wuxuuna  ku eedeeyay inuu ka dambeeyay Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xubnaha Komishanka doorashooyinka oo uu sida uu sheegay uu ka diiday inuu usii daayo foojaro  sharci darro ah. Laakiin waxa uu masuulka xilka laga qaaday xusay inuu la shaqayn doono xisaabiyaha cusub ee lasoo magcaabay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *