Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan dhawr saacadood qaatay  xafiiskiisa kula  yeeshay masuuliyiinta Ha’yaddaha gaarka ah ee qaranka. Kulankaa oo ahaa

 kii ugu horeeyay ee noociisa madaxweynuhu la yeesho masuuliyiinta madaxda ka ah Ha’ayaddahaa ayaa ahaa mid aanay saxaafadu goob joog ka ahayn.
Hase yeeshee kulnkaa ka dib qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in ujeedada kulanku ahaa mid Madaxweyne Axmed Siilaanyo warbixin la xidhiidha hawlaha masuuliyiinta madaxda ka ah xafiisyadaasi ka bixinayeen shaqadooda,  qorshayaashooda iyo  wixii caqabada ah ee ka horyimi musuul walba mudadii uu xilka hayay.
Qoraalka kasoo baxay qasriga madaxtooyadda kulankaa ka dib, wuxuu u qornaa sidan; “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed  Maxamuud  (Siilaanyo) , Waxa uu maanta kulan Saacaddo Qaatay Xafiiskiisa kula yeeshay Madaxda Hay’adaha Madaxa Banaan ee Dalka.
Madaxweynuhu waxa uu Madaxda kulankan ka soo qayb gashay kaga Dhegaystay Warbiximo ay ka bixiyeen Hay’adaha ay Madaxda ka yihiin,  iyada oo masuul walba uu warbixintiisa si Tafatiran ugu soo Bandhigay Hawsha iyo xilka ay Qaranka u hayso Hay’ada uu Madaxda ka yahay, xaalada ay Hay’adu ku sugantahay, Caqabadaha Horyaala iyo Kuwa ay Furdaamiyeen iyo weliba Qorshaha ay Hay’adu fulindoonto Mudada Dhaw iyo kuwa ay Damacsan tahay inay Mustaqbalka fulinayso.
Madaxweynaha JSL ayaa Madaxda kulanka ka soo qayb gashay ka Dhegaystay Warbixintaasi waxaanu masuuliyiintaa ku amaanay Sida ay ugu Diyaarsanyihiin Hawsha ay u xilsaaran yihiin, waxaanu kula dardaarmay in ay Warbiximahan Tafatiran ee ay u soo jeediyeen ka Dhabeeyaan oo ay Ficil u bedelaan.
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintan u sheegay in ay yihiin Baalasha uu ka sugaayo in ay ka Dhabeeyaan isbedelka ay umadu ka sugayso Xukuumada.
Ugu Danbayna waxa uu Madaxweynuhu Maddaxda Hya’adaha Madax banaan ee kulanka ka soo qayb gashay ku wargeliyey inuu Bilkasta Laba Goor kulankan oo kale layeelandoono iyaguna waxay uga mahadnaqeen Madaxweynaha in aanay Fursadan oo kale hore u helin isla markaana waxay u balan qaadeen in ay Fulindoonaan Dardaarankiisa kana Dhabayn doonaan Maamul wanaaga uu ka rajaynaayo Madaxweynuhu.
Madaxda Hay’adaha uu madaxweynuhu Shirkan la qaatay waxay kala ahaayeen sidan:-
No Name Title State Agency
1 Axmed Mohamed Madar Gudomiye NIC
2 Cali Siciid Maareeye Madbacadda Qaranka
3 Siciid Saleebaan Mire Gudoomiye SQCC
4 Ibraahim Aadan  Xisaabiye Guud Xisaabaadka Guud
5 Xasan Cismaan Aadan Maareeye Hay’adda Korontada
6 Xasan Aw Aadan Cabdi Gudoomiye H/Dib u habaynta
7 Aamina Cabdillaahi Axmed Gudoomiye Xuquuqda Iisaanka
8 Aamina Maxamuud Diiriye Maareeye Samafalka Madaxtoyada
9 Ibraahim Siyad Yoonis Maareeye W/Biyaha Hargeysa
10 Cali Cabdillaahi Daahir Gudoomiye ICT Commission
11 Cabdi Dirir Cabdi Gudoomiye Centeral Bank
12 Aadan Cabdillaahi Xasan Gudoomiye G.G.Qandaraasyadda Qaranka
13 Jamaal Caydiid Ibraahim Maareeye NDC
14 Cabdi waaxid Cabdiqaadir Maareeye SRA
15 Muxumed Aw Cabdi Gudoomiye Hay’adda Shaqalaha

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *