IMG_0698Gebilay(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuu d(Siilaanyo) ayaa ku negaaday magaalada Gebilay, kadib safar uu saaka ku tegey halkaa oo u jeedadiisu ahayd inuu ka qayb galo munaasibad loo qabtay

dafcadii u horaysay ee Ardayda ka qalinjebisay  Jaamacadda Timacade ee Gabiley oo marar badan dib loogu dhighay in Madaxweynuhu ka qaybgalo munaasibada loo qabanayoIMG_0872Madaxweyne Siilaanyo oo ay safarkiisa ku weheliyeen koox ka mkd ah wasiiraddiisa kuwa ugu awooda badan, xildhibaano, Odayal iyo shaqsiyaad kale, wuxuu kala kulmay dadka deegaanka Gebilay iyo Arabsiyo ee galbeedka Hargeysas soo dhowayntii ugu balaadhnayd ee ay ku waajahaan dadka deegaanku mudadii uu xilka hayay ee uu safar ku maro deegaankaa.
waxaana jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Gabiley isugu soo baxay kumanaan dadweynaha deegaanka, kuwaas oo hareeraha wadooyinka lulalay calanka Somaliland, Ubaxyo iyo boodhadh ay ku xardheen halku dhegyo loogu muujinayo Madaxweynaha dareen farxadeed, taas oo sababtay in madaxweynuhu ku hakado, isagoo Khudbado kooban ka jeediyay Dooxa weyn ee Arabsiyo oo ay boqolaal dadka reer Arabsiyo ee Beeralayda ahi buuxiyeen.
IMG_0828IMG_0811IMG_0864
Madaxweyne Siilaanyo markii uu gaadhay magaalada gebilay oo dadweynuhu laamiyada hareerohooda u ruxayeen calamo iyo Ubax, wuxuu socod Lug ah  ku dhex maray jidka weyn ee magaalada Gebiley isaga oo ku faraxsanaa sida weyn ee loo soo dhoweeyay.
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu markaa ka dib ka qaybgalay munaasibda loo qabtay dafcadii u horaysay ee Ardayda dhamaysatay waxbarashada Jaamacadda Timacadde, isagoo qudbad u kooban oo mahad celin ah halkaa ka jeediyay.
IMG_1014IMG_1010IMG_1021IMG_0908
Geesta kale Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa la filayaa inay caawa ku negaadaan halkaa, iyadoo la dejiyay wefdiga Madaxweynaha dhisme loogu talagalay Martida, kaas oo wararka qaar sheegayaan in uu kulamo la yeelanayo Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, balse lama ogga in wefdiga Madaxweynuhu deegaamo kale usii dhaafayaan halkaa iyo inay marka ay dhamaato booqashadoodu kusoo laabanayaan Hargeysa.
Wixii kaso kordha socdaalka Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa kala soco shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *