Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo saaray degreeto uu si kedis ah ugu kala diray Guddigii Jaamacadda Hargeysa oo uu toddobaad uun ka hor u xilsaaray inay soo diyaariyaan xeer rasmi ah oo lagu maamulo jaamacadda.

Ma jiro war cad oo kasoo baxay dhinaca Xukuumadda oo sheegay kala dirista guddida, balse sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen qaar ka mdi ah maamulka jaamacaddu, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo qoraalka kala dirista guddida soo saaray Khamiistii Todobaadkii hore.
Guddiga Madaxweynuhu kala diray oo ka kooban 17 xubnood oo isugu jira 10 xubnood oo ay dhawaan magacowday Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo 7 xubnood oo uu dhawr sanno ka hor magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, hase ahaatee markii labada guddi ee la isu geeyey ku heshiinwaayeen cidda loo dooranayo buuxinta jagada guddoomiyenimada Jaamacadda Hargeysa oo uu dhawaan iska casilay Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, ayaa arrintaasi keentay in Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan u magacawdo Guddoomiyenimada Jaamacadda Hargeysa Marwo Foosiya Yuusuf X. Aadan oo hormood u ahayd tobanka xubnood ee Wasiirku ku kordhisay guddigii hore ee Jaamacaddda, halka toddobada xubnood ee hore u ahaa Guddigii hore oo kaashanaya hormuudada kulliyadaha kala duwan ee jaamacaddu iyaguna dhinacooda ka magacaabeen Guddoomiye labaad, taas oo dhalisay khilaaf iyo xiisad kulul oo hadhaysay guud ahaan Jaamacadda Hargeysa oo gaadhay ilaa ardayda oo la kala saftay dinacyada hirdamayey.
Ismaandhaafkaas kadib waxa xal-u-hellida arrintaas soo farageliyey toddobaadkii la soo dhaafay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo soo saaray wareegto ku amray inuu si ku-meelgaadh ah xilka guddoomiyenimada jaamacadda u sii hayo Mr. Muuse Cilmi Cabdi oo ah xubintii ay wateen hormoodada iyo guddigii hore ee jaamacadda, halka uu labada guddi oo la isku daray, Guddoomiyena uga dhigay Marwo Foosiya Yuusuf X. Aadan u xilsaaray in ay muddo afar bilood ah ku soo diyaariyaan xeer dhammaystiran oo lagu maamulo Jaamacadda Hargeysa, si looga badbaado muran iyo is qabsi.
Ma jiraan warar rasmiya oo sheegaya  asbaabaha Madaxweynuhu u cuskaday kala dirista guddiga Jaamacadda Hargeysa ee dhowaan  magacaabay. Balse  waxa eriga guddigan lagu xidhiidhinayaa mid salka ku haya mudaharaadyo rabashado watay oo horraantii toddobaadkan hadheeyey Jaamacadda Hargeysa, kaas oo loo tirinayo inay lug ku lahaayeen qaar ka mid ah xubnaha guddiga shaqada laga caydhiyey. Iyadoo ay jireen  warar sheegaya  in xubno guddiga ka mid ahi ku taliyeen in gebi ahaanba guddiga la baabiiyo,  ama iyaga laftoodu iska casilayaan.
Si kastaba ha haatee talaabada madaxweyne Siilaanyo ku kala diray guddidii Jaamacadda hargeysa ayaa u muuqata la doonayo in xal loogu helo khilaafka iyo muranka hadheeyay maamulka, kaas oo todobaadkii hore sababay in la xidho Jaamacadda. Kadib markii mudaharaadyo rabshado wata ay sameeyeen qaar ka mid ah Ardaydu.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *