madaxweynahaiyo1Hargeysa(Arraweelo News)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay dhalin yarada gabooye oo ay hogaaminayeen

 

guddiga Akadamiga (Academy)-ga horumarka iyo waxbarashada ee dadka laga tirade badanyahay. Sidaaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafeef kasoo baxay kulankaa kadib madaxtooyada oo dhignaa sidan:-

“Kulankan oo u jeedadiisu ahayd sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha  waxbarasho ee lagu horumarinayo beeshaasi, ayaa ugu horayn waxa uu madaxweynuhu xogwaran kaga dhegaystay xubno ka mid ah gudida akadamiga horumarka iyo waxbarashada oo tibaaxay dedaalkooda ku saabsan sidiii beeshooda looga horumarin lahaa aqoonta iyo waxbarashada.

Waxaanay madaxweynaha iyo xukuumadiisa ka codsadeen inay gacan ku siiyaan dedaalkoodaasi oo aan iyaga la’aantood midho dhal noqon Karin.

Sidoo kale xubnahaasi ka kala socday aqoon yahanka, dhalin yarada iyo ardayda jaamacadaha ee beesha gabooye oo ay wehelinayeen xubnaha gudida akadamiga horumarka iyo waxbarashada, waxa kale oo ay ka xogwarameen in beeshooda oo ka mid ah beelaha Somaliland ay haatan halgan ugu jiraan sidii ay beelaha kale ee Somaliland ay ugala mid noqon lahaayeen dhinacyada aqoonta iyo horumarka kale ee bulshada.

Ugu danbayna waxa ay madaxweynaha iyo xukuumadiisaba uga mahadnaqeen sida ay goor iyo ayaanba ula barbartaagan  tahay wax kasta oo ay u arkaan in lagu horumarinaayo beeshooda, waxaanay si gaar ah uga mahad-celiyeen madaxweyne Silaanyo, oo ay u arkaan in uu yahay madaxweynihii ugu horeeyey ee hiil iyo hooba la barbar istaaga beeshooda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo kulankan ka hadlay ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey dhalin yarada beesha gabooye, waxaanu tilmaamay in ka madaxweyne ahaan ay u siman yihiin beelaha Somaliland isla markaana uu xil iyo waajib mid ahi ka wada saaran yahay horumarkooda iyo wada jirkoodaba.
madaxweynuhu waxa uu xusay in uu xil gaar ah ka saaran yahay cid kasta oo loo arko in ay dib uga dhaceen dhinacyada horumarka iyo waxbarashadaba, taasi oo uu tilmaamay in beesha gabooyena dhegaysto baahiyahooda, isla markaana xukuumad ahaan waxa kasta oo suura gal ah ay wax ugala qabandoonto.

Kulankaasi waxa madaxweynaha ku wehelinayey, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali, La taliyaha Madaxweynaha ee beelaha la hayb sooco, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda kulankaa ka dib.
Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *