asilanyo
Hargeysa(Araweelo News Network)Kumanaan qof oo bulshada Somaliland ah, ayaa saaka waaberigii isugu soo baxay Masajidada Waaweyn, Garoomada

 

Kubada iyo goobaha banaan ee Magaalooyinka waaweyn ee dalka, si ay u oogaan Salaada Ciida Adxa.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa munaasibada Ciida kula tukaday saaka Boqolaal qof Masjidka weyn ee Masjid Jaamaca Hargeysa oo ku yaal xarunta Dawlada Hoose ee magaalada Hargeysa.

Salaada ka dib Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu hadal kooban oo uu ka jeediyay Masjidka ugu hanbalyeeyay shacbiga Somaliland iyo muslimiinta dunidaba munaasibada Ciidal Adxa.
Madaxweynuhu kama hadlin arrimo siyaasadeed iyo mawaadiic cusub, isla markana ma jirin wax bushaarooyin ah oo uu shacbiga u sheegay munaasibada farxada badan ee Ciida awgeed sida ay inta badan sameeyaan hogaamiyayaasha dunida Islaamka oo munaasibadan oo kale shacbigooda khudbado dhaa-dheer u jeediya, kuwaas oo ay kaga waramaan xaaladaha dal ahaan iyo dad ahaan ee shacbigoodu ku sugan yihiin iyo waxyaabaha u qorshaysan, isla markaana bushaarooyin ay ku farxaan munaasibadan oo kale ugu bushaareeyaan.

Somaliland waxa  ka jira xaalado kala duwan oo la xidhiidha kuwo siyaasadeed, duruufo dhaqaale oo dhinacyada Nolosha ah, Cadaaladda, Musuq-maasuqa, shaqao la’aanta oo sabab u  noqotay Tahriibta samada isuku shareertay tan iyo markii Xukuumadda Madaxwyene Siilaanyo la wareegaty xilka sanadkii 2010,  xiligaa oo ay meesha ka baxday rajadii laga qabay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wax ka qabanayso marka ay xilka ku guulaysto sida uu balanqaaday Madaxweynuhu xiligii ololaha kaanbaynka ee xisbiga Kulmiye oo gebi ahaanba waxba kama jiraan noqday iyo sidoo kale duruufaha saiyaasadeed ee xiligan hadheeyay Somaliland, arrimaha doorashooyinka weli aan la cayimin iyo muranka guuldarooyinka u horseeday heshiisyada qarsoon ee dhinaca Shidaalka oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo gashay, kuwaas  oo si weyn dadku su’aalo isaga weydiiyaan iyo arrimaha dhinaca amaanka ee dhowaan laba sarkaal oo ciidanka Qaranka ka mid ahaa iyo sarkaal kale oo todobaadkii hore lagu dilay degmada Arabsiyo ee duleedka Hargeysa, kuwaas oo ahaa dilal noocoodu ku cusubyahay Somaliland marka laga reebo Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada ee xiligii Marxuum Cigaal.

Dhamaan dhacdooyinkaa iyo Duruufaha dhaqaale, kuwa siyaasadeed, Cadaaladda,  kuwa amaanka iyo haddii ay jiraan qorshayaal cusub oo loogu maaqanyahay dalka iyo dadka oo la filayay in Madaxweyne Siilaanyo wax ka yidhaahdo, ama ugu bushaareeyo,ayaanu Madaxweyne Siilaanyo waxba ka odhan, wuxuuna isagoo arrimahaa oo dhan indhaha ka qarsanaya, ama u muuqday in aanu wax badan kala socon xaaladahaa iyo duruufahaa ka taagan dalka weedho kooban oo Hanbalayada Ciida ka sokow shacbiga usoo jeediyay in ay ilaashadaan Nabadgelyadooda, isla markaana ku dedaalaan in ay cadawgood meel uga soo wada jeestaan.

Qaar badan oo ka mid ah Bulshada oo filayay, ama u dhegtaagayay in Madaxweyne Siilaanyo munaasibada Ciidal Adxa  xaaladaha kala duwan ee dalka iyo arrimaha Siyaasadeed ee Mandaqada iyo doorka Somaliland kusoo qaadi doono qudbadiisa, ama ugu yaraan duruufaha kal duwan ee shaqo la’aanta, tahriibta, arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka ka taagan heshiishyada shidaalka, ayaa ku hungoobay, waxayna dhawrka weedhood ee Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay munaasibada ee u istaagay noqdeen kuwo aan ku cusbayn dhegohooda, kuwaas oo xusuusiyay xiligii Madaxweynihii ka horeeyay ee Daahir Rayaale sidan oo kale indhaha uga lalin jiray in duruufihii iyo xaaladihii waqtigaa taagnaa in uu wax ka yidhaahdo, ama ugu bushaareeyo bulshada waxyaabo cusub, taas oo ay uga barteen Madaxweynihii uu kursiga kala wareegay ee Marxuum Maxamed Ibraahin Cigaal oo sida hogaamiyayaasha Shucuubta Islaamka maalahan iyo munaasibadahan Ciida oo kale waxyaabo badan oo la xidhiidha siyaasada Gudaha, Debeda, Arrimaha dhaqaalaha iyo mawaadiic badan oo bulshada laabtooda ka guuxayay iyo kuwo aanay niyadaha ku ahayn  kusoo qaadi jiray, waana sababta ay xiligii Madaxweynihii hore Daahir Rayaale uga filayeen markii uu xilka hayay.
Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo oo sidoo kale laga filayay inuu maro wadada sunaha hogaamiyayaasha dunida Islaamka iyo qudbadaha ay kusoo qaataan farxadaha munaasibadan oo kale, ayaan maray wadadii Daahir Rayaale indhaha kaga lalin jiray xaaladaha iyo duruufaha dhinacyada dhaqaale, kuwa siyaasadeed iyo kuwa noloshaba, balse Madaxweyne Siilaanyo ayaan hore looga baran mudadii uu xilka hayay in uu munaasibadan oo kale kusoo qaado xaaladaha siyaasadeed, kuwa amni iyo kuwa dhaqaale, ama dhaliilaha sida Koron-korada usii kobcaya ee xukuumaddiisa, kuwaas oo ay lama huraan tahay inuu ka garaabo.

Marxuum Cigaal, Madaxweyne Daahir Rayaale, waxay sidan oo kale inta badan Maalmaha Ciida dadka kula tukanjireen Masjidka weyn ee Masjid Jaamaca Hargeysa, kaas oo Madaxweyne Siilaanyona kula tukaday mudadii uu xilka hayay dhawr munaasibadood, balse marka laga yimaado weedhaha aan dhegaha dadka ku cusbayn ee Madaxweynihii ka horeeyay ee Daahir Rayaale lagu bartay, waxa keliya ee uu Madaxweyne Siilaanyo kaga duwanaa munaasibadan Ciida Adxa, isagoo markii uu ka baxay Salaada gacan qaaday qaar ka mid ah dadkii ku tukanayay Masjidka, isagoo markaa ka dibna socod gaaban suuqa u dhow Masjidka ku maray, isla markaana u gacan haadinayay dadka goobtaa ku sugnaa, wuxuuna markaa ka dib kusoo laabtay qasriga Madaxtooyada sidii caadada u ahayd.

Si kastaba ha ahaatee waxa la filayay in Madaxweyne Siilaanyo munaasibadan oo kale kaga hadlo, ama kusoo hadal qaado xaaladaha iyo duruufaha siyaasadeed ee Dalka, sida Cadaaladda,Musuq-maasaqa, arrimaha Dhaqaale, Nololeed, dhibaatooyinka Tahriibta ee ay dhiirigelisay xukuumaddiisu, muranka iyo dhaliilaha dhinaca heshiisyada shidaalka, arrimaha musuq-maasuqa iyo haddii ay jiraan qorshayaal yididiilo iyo rajo gelinaya shacbiga oo uu ugu bushaareeyo, balse dhawrka weedhood ee uu Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay munaasibada Ciida Adxa, ayaa noqday kuwo aan ku cusbayn dhegaha Bulshada sidaa awgeed su’aashu waxay tahay Madaxweyne Siilaanyo, ma wuxuu maray wadadii Madaxweynihii ka horeeyay ee Daahir Rayaale, mise waxa bedelay qorshihii iyo fadala-cadaantii lagu yaqaanay kooxda sida hoose u inqilaabtay markuu xukunka la wareegay oo aan waxba ka duwanayn kooxdii inqilaabka ku haystay madaxweynihii ka horeeyay sidan oo kale.
Falanqaynta Araweelo News Network
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *