Hargeysa (ANN)-Madaxweyne Rayaale oo maanta barqadii kormeer ku tegey xarunta Wasaarada Hawlaha guud iyo goobo kale ayaa dhinac isaga leexiyay balanqaadkii uu hore ugu balan qaaday Ciidamadda Somaliland inuu u samaynayo Derejooyin.

 

 

Madaxweyne Raayaale oo xadhiga ka jaray dhisme lagu soo kordhiyay  Wasaaradda Hawlaha guud oo ka kooban dhawr qol, isla markaana lagu magcaabay Xafiiska Naqshadaynta iyo qurxinta, waxay suxufiyiintu wax ka weydiiyeen Xaalada Buuhoodle, Derejadii uu hore ugu balan qaaday iyo arrimo kale, wuxuuna isagoo ka jawaabaya waxa hortaagan Darajadii Ciidamada Somaliland oo muddadii uu Madaxweynaha ahaa dhawr jeer ballan-qaaday inuu samaynayo, welina aan hirgelin, ayaa ku dooday inay dawladihii ka horreeyey dawladdiisa waajib loogu lahaa inay Darajooyin u sameeyaan Ciidamada kala duwan ee dalka. Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay isticmaalka waddooyinka Berbera, Hargeysa iyo inta u dhaxaysa oo ay si is-daba joog ah u maraan gaadiid waawayn oo raran oo laga leeyahay dalka Itoobiya, kuwaasoo daabila waxyaabaha Dekadda Berbera uga soo dega dalka Itoobiya, khatarna ku haya jidadka iyo qodobbo kale.

Mar wax laga weydiiyay Madaxweyne Rayaale inuu jiro wax qorshe ah oo xukuummadiisu  ugu talogashay inay wax kaga qabato gaadiidka Ethiopia  ee Xammuulka ka qaada Dekedda Berbera iyo mushkilada  ay ku hayaan wadooyinka  laamiga ah ee  aan iska xejin karin miisaanka gaadiidkaas, waxa uu ku jawaabay; “Haa way jirtaa annaga iyo Itoobiyaba waxa jira mashruuc dib loogu dhisayo oo lagu magacaab Berbera Coridor oo midowga Yurub bixinayaan, wakhti uun bay ku xidhantahay maca biriijyada in dib loo hagaajiyo, waxaan rajaynayaa wadaadaas iyo meelo kale oo wadanka ahba in mtaqbalka dhow wax laga qabto.” Sidoo kale, Madaxweyne Rayaale waxa wax laga weydiiyey meesha  ay ku danbaysay  Daradajii Ciidammada Somaliland oo uu marar badan ku balan qaaday inuu si deg deg ah u  samaynayo, wuxuuna isagoo arrintaa ka jawaabaya yidhi, “Markii aynu wadanka soo galay qoladii u horaysay ee wadanka qabatay inay darajo siiyaan Ciidamada ayay ahayd, qabyada iyagaa keenay, anigu waxaan ka bilaabay inaan ciidamadda u diro tobabaro, darajada  waanigii balan qaaday marar hore inaan bixiyo, waxay dib ugu dhacday Itoobiya ayaan u dirnay Millateriga oo mudo qaadatay, Booliska iyo Asluubtana waxaa habsaamiyey Akademiga Mandheera laga dhisayay oo keenay dib u dhacaa Waxaan idiin sheegayaa inamadii jabhadda ahaa ee tobabarkii u horeeyey ee Sarkaalnimada soo maray, kuwii wax yaqaanay maanta Jananno ayay noqdeen,  Markaa way socotaa hawshu ee dawladu kama gaabin.”

Sidoo kale Mar uu Madaxweyne Rayaale, ka jawaabayay su’aal ay suxufiyiintu ka weydiiyeen mowqifka Xukuumadiisa ee shaqaaqooyinka  maalmihii u danbeeyay ka  dhacayay Deegaanka  Buuhoodle, waxa uu yidhi, “Wax alla wixii suurtogal ah sida ugu wanaagsan inaan wax uga qabano mooyee wax kale ma jiraan , in la sameeyo talaabo kasta oo lagu saxayo arrinta Buuhoole Dawlad ahaan way naga go’an tahay.

Madaxweyne Rayaale, waxa kaloo uu kormeer ku soo maray Biriishka weli dhismihiisu socdo ee Hargeysa, kaas  oo uu sheegay inuu dhowaan dhamaanayo , isagoo ku nastay Miiska Saraakiisha.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office  

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *