Muqdsiho(ANN)Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni  ayaa Booqasho kedis ah maanta ku tegey magaalada Muqdisho. Sida ay sheegayaan wararku Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa si kedisa ah uga soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho xiligaa

 waxaa garoonka aad usoo buux dhaafiyay taangiyada ciidanka Uganda oo ku sugnaa Hotel Baradheys ilaa iyo albaabka  garoonka.
Ma jirin cid la socotay socdaalka madaxweynaha Uganda ee Muqdisho, halkaas oo uu ku sugnaa qadar  Nussa  saac ah. Ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka Magaalada Muqdisho.
 Sida ay sheegayaan wararka socdaalka Mr. Yoweri Museveni,  wuxuu kulamo deg deg ah la yeeshay  saraakiisha ciidamada AMISOM eek u sugan Muqdisho,  gaar ahaan saraakiisha Ciidamada Uganda iyo sidoo kale Madaxweyne Shariif iyo R/wasaare Farmaajo oo looga yeedhay xarunta Villa Somalia .
Kulankaa oo wararku sheegayaan inuu ahaa mid   muhiim ah ayay Sedxda Mas’uul ku yeesheen guri ku dhaw Garoonka Muqdisho oo ay leeyihiin ciidanka AMISOM, iyadoo ay wararka tibaaxaha kasoo baxay  sheegayaan  in dhinacyadu kulankaa  kaga wada hadleen arrimaha amaanka iyo sidii  Dowladda KMG ah looga samata bixin lahaa awood darada.
Dhinaca kale xoggo ku saabsan socdaalka Madaxweynaha Uganda  ayaa sheegaya in ujeedka socdaalka Mr. Yoweri Museveni,  ay tahay sidii uu niyadda ugu dhisi lahaa ciidamadiisa dagaalada qaraar uga jira magaalada Muqdisho, madaxweynaha Uganda ayaa si aad ah u taageera dowladda KMG ah.
Iyadoo Socdaalka Madaxweynaha Uganda ee  Muqdisho  Niyadda u dhisayso  Golaha wasiirada xukuumadda cusub oo Niyad jab ka muujinayay diidmadii ay Baarlamaanku ka muujiyeen ansixintooda,  balse markii dambe la ansixiyay. Dalka  Ugana waxaa magaalada Muqdisho ka jooga ciidan aan ka yarayn Afar kun oo Askari, kuwaas oo ilaaliya xarumaha dowladda halka kuwa kalanena ay dagaalo goo goos ah ku dhexmaraan Magaalada Muqdisho kooxaha mucaaridka ee Al-shabaab iyo xisbul Islaam oo inta badan ka taliya deegaamadaa.
Dhinaca kale waxa  jira warar socdaalka kediska ah ee madaxweynaha Uganda la xidhiidhinaya siyaasad cusub iyo arrimo milateri oo laga wado halkaa, iyadoo Sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafey ay  ciidamada AMISOM soo dagaal geliyeen Maleeshiyaad daacad u ah hogaamiye kooxeedyadii xiliyadii hore ka talin jiray Muqdisho, iyadoo ay wararku sheegayaan in Yuusuf Indha- Cadde iyo Maxamed Dheere dagaaladii u danbeeyay ka qayb qaateen. kadib markii ay ciidanka Dowladda KMG ah mushaar la’aan aawgeed baneeyeen jiidaha dagaalka oo ay isku hor fadhiyaan xoogaga Islaamiyiinta.
Warar laga helay  dhinaca Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maxamed Dheere oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Muqdsiho ee hubka laga dhigay hada loo  ogolaaday  mushaarka 300,  oo Maleeshiyaad ah, iyadoo lagu xidhay  shuruud ah  in Maleeshiyaadkaasi ay si hagar la’aan ah uga qayb qaataan dagaalada lagula jiro Xarakada Al-Shabaab AMISOM eek u sugan muqdisho.
Sidoo kale Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha -Cadde) ayaa loo ogolaaday in Mushahar loo siiyo 600 oo Maleeshiyo beeshiisa ah, Indha Cadde , kaas oo hadda haysta  qandaraas dhaqaale badan uu ku helayo  oo ah mid  uga  wanaagsan wasiiru dowlnimadii uu dowladda ka hayay, iyadoo ay  wararka arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan  in Mr. Indha Cadde uu ciidamada AMISOM kala talin doono dagaalada Muqdisho,  islamarkaana ay maal gelinayaan safaaaradaha dalalka reer Galbeedka ee ku sugan magaalada Nairobi.
Siyaasada cusub ee noocan ah ayaa ka danbaysay. Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay ciidamada dawlada taagta daran eek u sugan Muqdisho iyo kuwa AMISOM ay ku guuldaraysteen inay wax ka qabtaan xaalada, isla maraakana la ogaaday inay ciidamada DKMG ee taagta darani hibkooda ka iibiyaan kooxaha xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jira.  
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *