Madaxweynaha  Somaliland  Oo Hoteelka Uu Deganyahay Ee Magaalada Dubai Ku Qaabilay  Hogaamiyaha Kooxda SSCDubai(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan kula  yeeshay  maanta Huteelka uu deganyahay ee Salaama Hotel oo  ku yaal magaaladda Dubia, Hogaamiyaha Kooxda Nabadiidka Buuhoodle ee

 

SSC, Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye), kaas oo balanqaaday  inuu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kala shaqaynayo nabadgelyadda gobolada Sool iyo Buuhoo dle.
Madaxweynaha  Somaliland  Oo Hoteelka Uu Deganyahay Ee Magaalada Dubai Ku Qaabilay  Hogaamiyaha Kooxda SSC

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa magaalada Dubia ka soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka mid ah weftiga madaxweynaha ee sugan halkaa.
Qoraal saxaafadeedka Af-hayeenka Madaxweynaha ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu maanta ku qaabiley Qasriga uu degan yahay ee MINA-SALAAMA HOTEL, Hogaamiyaha Kooxdii SSC, Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye).
Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha SSC waxay ka wada hadleen sidii deegaanada Buuhoodle iyo qaybo ka mida Sool loogu soo dabaali-lahaa nabad-gelyo buuxda oo taam ah.
Madaxweynaha iyo Gudoomiyuhu waxay istu-seen isla markaana kuwada Qanceen baahida ay shacbiga deegaanadaasi u qabaan in ay walaalahooda dalka ee kale la wadaagaan horumarka dhanwalba leh ee wax-barashada, Caafimaadka, Nabad-gelyada iyo Adeeg-yada kale ee ay noloshu u baahan tahay oo dhan, sida biyaha Iwm.
Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu dhiniciisa soo dhawaynayo dedaalka lagu soo Af-jarayo khilaafka jira oo dhan, wuxuuna hogaamiyaha SSC-da kula dar-daarmay inuu si dhakhso ah uga hawl-galo.
Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye)na waxa uu balan qaaday inuu ka hawl-gelayo sidii khilaafka loo soo Af-jari lahaa, waxaanu sheegay inay reer soomaaliland yihiin dad wada dhashay oo aan sinaba u kala maarmaynin, Dantuna ay ku jirto wax-wada qabsiga iyo wada jirka.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *