Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa ku eedeeyay Dawlada Somalia in ay ka war-wareegay

 

in lasii wado wadahadaladii uu dhexeeyay labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia, balse waxa sheegay in aanay taasi waxba u dhimayn qadiyada Madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sidaa ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad maanta loo qabtay Arday ka qalinjebisay Jaamacadda Hargeysa, taas oo ay kala qaybgaleen Madaxweynaha Guddoomiyayaasha sadexda Xisbi ee qaran, kuwaas oo madasha ka xaadiray iyagoo hareeraha ka socda Madaxweyne Siilaanyo, taas oo ahayd dabeecad iyo dhaqan cusub oo ay markii u horaysay Madaxweyne Somaliland ah iyo Madaxda Axsaabta Mucaaradku sidan oo kale iyagoo gamcaha is haysta uga qaybgalaan munaasibad sidan oo kale ah.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sidoo kale fariin u diray Beesha Caalamka, isagoo ugu baaqay in ay garwaaqsadaan xaqiiqda jiritaanka Somaliland oo ay doorkooda ka geystaan horumarka iyo dumuqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi, “ Waxaan jecelahay in aan kelmad ka idhaahdo Madaxweynaha Somalia iyo dawladiisa oo weli ku-naaloonaya midnimo, dunidana u tebinayey war khaldan iyo riyo aan waxba ka jirin.

Waxaan leeyahay Somaliland waa qaran madax-banaan, dadkiisuna way tashadeen waxaanay rabitaankooda ku dhisteen dawlad iyagoo codkooda % 97 ku-meel-mariyey dastuurka JSL iyo jiritaankooda.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Wuxuuna mar uu ka hadlayay qadiyada Madaxbaaninada Somaliland iyo sida ay dadka Somaliland diyaarka ugu yihiin in ay ilaashadaan qaranimadooda yidhi, “Midnimadii Somalia waatii fashilantay, diyaarna uma-nihin durbaanka Somali-weyn, dadkaygu waxay diyaar u yihiin inay dhiigooda ku difaacaan cid kasta, oo ku soo xadgudubta xuduudaha dalkan Somaliland dhulkiisa, badiisa iyo cirkiisa. Waxay dawladda Somalia u muuqataa, in aanay ixtiraamayn wixii aanu ku heshiinay, kana warwareegayso miiskii wadahadallada, waxaanu weli idiinku baaqaynaa miiska wadahadalada si aynu u kala baxno”

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sidoo kale fariinta uu beesha Caalamka u diray ku yidhi, “Beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ay garwaaqsadaan xaqiiqada Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa inay caawiyaan horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana-qaaday dalkan, waa noo muhiim doorashooyinku waanan soo dhawaynaynaa doorka ay ka qaataan deeq-bixiyayaashu.”

Waxa kale oo Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay shacbiga Somaliland in ay muujiyaan midnimo oo ay  isku duubnaadaan, isla markaana ilaashadaan dalkooda oo ay meel uga soo wada jeestaan, isagoo dhinaca kalena Ardayda Jaamacadda ee dhamaystay waxbarashadda iyo  kuwii ka horeeyay ee dhamaystay Jaamacaddaha Dalka ugu baaqay in ay dalkooda ilaashadaan.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu qiray shaqo la’aanta ka taagan dalka, iyadoo qiyaasta dhalinyaradda dalku Bulshada ka tahay 60%, balse waxa uu sheegay in  Waxbarashaddu tahay furaha nolosha,halbawlaha horumarka iyo hagaha mustaqbalka, isla markaana Waxaanay umaduhu u kala horeeyaan, sida ay u kala aqoon iyo farsamo badan  yihiin, balse aanay shaqo la’aanta ka taagan dalku sababin in laga hadho waxbarashadda, isagoo ishaaray in ay maalin arki doonaan iyadoo dalkooda loo soo shaqo doonanayo. Sidaa awgeed loo baahanyahay Sami, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ Waxa hubaal ah in  dhalinyaradu u baahan yihiin shaqooyin iyo nolol fiican, balse waxa lagu gaadhi karaa dedaalka iyo barashada cilmiga oo aan laga hadhin, sabir iyo is-kaashi waxaanan ku kalsoonahay in dadka reer Somaliland leeyahay hal-abuur iyo himilo fiican oo ay ku gaadhaan horumar.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale Madaxda Sadexda Xisbi oo ka hadlay munaasibada, ayaa dawlada Somalia ku canbaareeyay in ay jjebisay heshiishkii wadahadalka u dhexeeyay, waxayna ugu baaqeen in ay dib ugu soo laabtaan dhabaha wadahadalka oo aanay ku mashquulin waxyaabo sida ay sheegeen aan soconayn iyo in ay been isku maaweliyaan Madaxda dawlada Somalia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *