London(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa soo dhamaystay

 

booqashadii ay ku joogeen dalka Maraykanka, iyagoo saaka ka soo degay gegida Caalamiga ah ee Heathrow Airport ee magaaladda London.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa oo usii jeeda dalka, waxaa kusoo dhoweeyay halkaa Safiirka Somaliland ee Britain, xubno ka socda Jaaliyada Somaliland ee London iyo qaar ka mid ah qurba jooga ku dhaqan dalkaa.


Wefdiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa kulamo la yeeshay intii uu ku sugnaa dalka Maraykanka Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha Debeda, Ganacsato iyo maalqabeeno u dhashay Maraykanka iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda gaashaandhiga iyo Xubno ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka, iyadoo wefdiga Madaxweynaha Somaliland mudadii ay ku sugnaayeen Washington heshiis dhinaca shidaalka ah la saxeexdeen shirkad laga leeyahay dalka Norway.


Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu kulamadaa kadib shalay ka hor intii aanu kasoo bixin dalka Maraykanka kulan la yeeshay Jaaliyada Somaliland iyo Qurba-jooga u dhashay Somaliland eek u nool dalka Maraykanka.


Weftiga madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxa xubno ka ah  Marwada Koowaad Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha debedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xersi Xaaji Cali Xasan, balse Wasiirka Macadanta Biyaha iyo Tamarta Dr. Xuseen Axmed Ducaale oo ka mid ahaa wefdiga ayaan ka hadhay, iyadoo aan la ogayn sababta uu wefdiga Madaxweynaha uga hadhay.


Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa la filayaa in ay dalka kusoo laabtaan maalinta Khamiista. 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *