ramadaan2Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga u hanbalyeeyay Bisha barakaysan ee Ramadaan, taas oo

si rasmi ah uga curatay guud ahaan adduunka, isla markaana si weyn looga soo dhoweeyay dunida Islaamka.

War-murtiyeed ka soo baxay Madaxtooyada oo lagu sheegay dhambaal hambalyo ah oo Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlay curashada bisha Ramadaan iyo waxa uu uga rajaynayo shacbiga Somaliland.

Dhanbaalka ayaa u u qornaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacbiga Somaliland meel kastoo ay joogaan dalka gudihiisa & dibediisaba, bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed, waxaannu ugu bushaaraynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo kowsatay caawa oo ay taariikhda miilaadiga ahi tahay 28/06/2014, halka ay taariikhda hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1435.

Madaxweynuhu waxa uu Ilaahay uga Baryayaa inuu sannadka kiisa kale bash-bash & barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u dirayaa Madaxweynuhu shucuubta islaamka ee caalamka ku nool guud ahaanba.

Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed Ilaahay uga barayayaa bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE inagu waajibiyey, inuu ka dulqaado xannuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxaddan qaaliga ah ee bisha Ramadaana waxa uu Ilaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu janatu fardawsa ka waraabiyo,” ayaa lagu soo gunnaanaday war-murtiyeedkaasi.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *