Muqdisho(ANN) Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif  Axmed ayaa sheegay inay Ciidamada Ethiopia ee gacanta ku dhigay Magaalada Baydhabo  ay ku laabanayaan xuduudda dalkooda marka hawlagalka ay ku taageerayaan ciidamaddooda  uu  dhamaado.

Shariif wuxuu sidaa ka sheegay markii uu maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, isagoo ka qaybgalay shirkii dawladda Britain ku qabatay dalkeeda ee arrimaha Somalia iyo sidii xal loogu heli lahaa. Sidoo Shariif wuxuu  ka hadlay shirkaa iyo waxyaabihii kasoo baxay oo uu ku tilmaamay mid guul ahaa, isagoo dhinaca kalena soo dhoweeyay shirkaa oo ay Somaliland ka qaybgashay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Somaliland inay shirkaa kasoo qaybgasho waxay noo ahayd fursad weyn iyo farxad, soomaaliduna waa dad midaysan arrinta gooni isu taaga Somaliland, waxay shacday bur-burkii ka dib(1991).Markaa anagu mar walaba quudaraynaynay inay Soomaalidu wada hadasho, intii aan shirka joognay fursado ayaanu isu helaynay. Laakiin hawl weyn ayaa meesha taalay oo fursad isumaanu helin, balse waxa laga shaqayndoonaa in lawada hadlo , runtiina madaxdii Somaliland ee shirkaa kasoo qaybgashay  hadal wanaagsana way ka jeediyeen, waxayna muujiyeen inay diyaar u yihiin inay Soomaalidu wada hadasho sidii loo heshiin lahaana laga wada shaqeeyo.” Ayuu yidhi Sheekh Shraiif.
Wuxuuna mar uu ka hadlayay ciidamada Ethiopia yidhi, “marka hore aan u mahad celiyo ciidamada Soomaaliyeed,   Ciidamada Ethiopia ayaan iyana u mahad celinaynaa, Baydhabo ka hor waxa la xoreeyay Geddo, waxaana xoreeyay ciidamada Soomaaliyeed oo taageero ka helayay ciidamada Ethiopia. Qorshuna waxa weeye marka hawlgalkani dhamaado inay meesha tagaan ciidmada AMISOM iyo ciidamada Soomaaliyeed  ee qalabka sida oo la kordhinayo. Kadibna ay ciidamada Ethiopia ku laabtaan xuduudooda.” Ayuu yidhi. Sheekh Shariif.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *