Muqdisho(ANN) Madaxweynaha dawladda taagta daran ee KMG Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa markii u horaysay ka hadlay kaalmada deeqda ay Somaliland gaadhsiisay dadka abaaraha, macaluusha  iyo dagaaladu naafeeyeen ee Somalia.  Sh. Shariif oo maanta

ka hadlayay kulan lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa  soo dhaweeyay deeqaha ay Somaliland ugu talagashay dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee koonfurta Somalia, wuxuuna ku tilmaamay gurmadka Somaliland talaabo wanaagsan,
Wuxuuna isagoo yidhi, “waxaad la socotaan inay magaalada inala joogaan walaaleheen Woqooyiga Somaliland oo noo soo gurmaday, taasina waa calaamad fiican, waana uga mahad celinaynaa oo soo dhowaynaynaa, ummada Soomaaliyeedna waa Ummad mid ah Illaahay ayaa mideeyay oo wax baddan ka mideeyay, dhaawacii gaadhay (Somaliland) waxaan u baahannahay inaan u xalino sida ugu fiican, si walalnimo leh oo is xushmayn leh oo is qadarin leh, baahida loo qabo midnimona qof kasta oo Soomaali ah waad dareensanyahay. Laakiin waxaa loo baahan yahay inaan ku dhiirano oo aan ka dhawaajino qeexnana habka ugu wanaagsan ee ay midnimadaasi ku iman karto.” Ayuu yidhi Sh. Shariif

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *