Xukuumada Aan Gadhwadeenka ka Ahay Waxa Hor Goglan Dhibaatooyin Aan Tiro Lahay, Wax Adduun Ah Oo Aanu Qasnadiisa Ugu Nimi Ma Jirto Oo Way Madhan tahay, Waxa Taa Ka Sii Darran……
images/stories/images.jpg     Hargeysa (ANN) Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ku dhawaaqay golaha wasiirada xukuumaddiisa iyo inta wasaaradood ee ay ka kooban yihiin xukuumadiisu, wuxuuna xubnaha wasiiradiisa tiradooda ka dhigay 26, kuwaas oo isugu jira wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno, iyadoo wasaaraddaha xukuumada cusubi noqonayaan 20 wasaaradood oo yeelanaya 6 wasiir ku xigeen.

Madaxweynuhu waxa uu ku sifeeyay golaha xukuumadiisa cusub sida uu tilmaamay inuu ku xushay aqoon iyo karti, wuxuuna sidaa ku sheegay shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay qasriga madaxtoyada. Sidoo kale Madaxweyanaha cusubi wuxuu shacbiweynaha Somaliland warbaahinta u mariyey khudbadiisii u horeysa, taasoo dhinacyo badan taabanaysa, isagoo khudbadiisan kaga hadlay duruufaha ku xeeran maamulkiisan cusub, amaanka, arrimaha dibada, dhaqaalaha, caddaalada iyo dhismaha xukuumaddiisa cusub. Ugu horeyn khudbad dheer oo ahayd mid aad u dheer wuxuu madaxweynuhu ku bilaabay:  “walaalayaal illaahay baa mahadle, waxa hubaal ah inaynu qaran ahaan guul wayn gaadhnay, waxa hubaal ah in guushaasi qayb ka tahay nolosheena ummadnimo iyo sooyaalkeena taariikheed, waxaynu guusha ku gaadhnay inaga oo isku duuban oo qaran midaysan ah sidaa awgeedna waa libin dalkeen u soo hoyatay shaki kuma jiro inaynuxaqiijinay rukun muhiim ah oo ka mid ay yoolkii aynu hiigsanaynay, waxa la inoo qirsan yahay maanta inaynu rumaynay hankeenii ummadnimo iyo haybadeenii qaranimo Isu samirkii iyo isu dul qaadashadii aynu kaga soo gudubnay duuufihii adkaa ee ina soo waajahay waxay daliil cad u yihiin bisaylka iyo qaangaadhnimada siyaasadeed ee aynu leenahay, taasoo aan ku tilmaami karo inay buddhig u tahay guushan aynu gaadhnay. Waxaan si niyadsami leh aan shacbigayga ugu amaanayaa iyagoo ku kala qaybsanaa taageeradii axsaabta, haddana sidii geesinimada iyo garashada lahayd ee ay u wada ilaaliyeen danta guud iyagoo isku duuban, haatanna waxaan marti idiinka ahay inaynu dhayno boogahennii hore, xurgufihii iyo xanafihii doorashooyinkana aynu xalay dhalay ka noqono. Walaalayaal waxaan la dafiri karin inay Somaliland u oomanayd isbadel, isbadelkuna kama yimaado keliya xaga sare ee wuxuu ka yimaadaa min-qof, qoys ilaa qaran, maantana waxaynu u taaganahay in isbadelkaas rajadii laga qabay rumayni inaga oo isku duuban, anigana maanta waxa iga go’an oo aan guntiga u xidhay rabitaankiina runta ah la’aantiina suurtagal iima aha. HAA……. Waxaan ku kalsoonahay inaynu ka dhabayn doono rajada ay shacbigeenu isbadelkan ka naawilayaan. Walaalayaal gacmo wada jir bay wax ku gooyaan, sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah inaynu midawno oo aynu meel uga soo wada jeedsano hogaaminta, horumarinta iyo dhismaha qarankan curdinka ah. Si aynu hayaanka beelwaynta Somaliland uga talaabiyo jidka dheer ee sugaya, waxa aan ku kalsoonahay inaad igu gacan siin doontaan gudashada xilka aad ii igmateen. Duruufaha maamulkayga cusub ku xeeran Walaalayaal maansha alla meel xun ma joogno, waayo waxaynu nahay qaran madaxbanaan oo nabdoon, isla markaana leh maamul iyo kala dambayn. Hase yeeshee xukuumaddan aan gadhwadeenka ka ahay ee aan wali la gardaadin waxa ku hor goglan dhibaatooyin aan tiro iyo xadi lahayn, kuwaas oo ay lafdhabar u yihiin dhaqaale xumo, maamul xumo iyo nabadgelyo xumo meelaha qaar ka jirta. Wax adduun ah oo aanu qasnadiisa ugu nimi ma jirto way madhan tahay, waxa taa ka sii darran waxa lagu leeyahay dayn farabadan iyadoo aan muddana la bixin gunnooyinkii iyo mushaharooyinkii shaqaalaha. Culaysyadaa dhaqaale waa kuwo dabri kara ama labadiblayn kara in dhakhso looo bilaabo meel marinta ballanqaadyadii barnaamijkayaga ku xusnaa. Si kastaba ha ahaatee dulucda iyo abbaarta xaaladeenu waxay salka ku haysaa murti Soomaaliyeed oo tidhaahda “Ninkii arrinkeena wax kala hadhaw qodhaa iyo xeradaa jabtay” Waxaana naga go’an aniga iyo xukuumaddaydaba inaanu xaalad kasta ku waajahno dedaal, daacadnimo, isku duubni iyo dulqaad fara badan, si aynu u xaqiijino yoolka iyo hadafka aynu hillaadinayno. Amaanka Dalkeena Somaliland gaar ahaan Buuhoodle iyo deegaano ka mid ah Sool, waxa ka socda shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo ay iskaga soo horjeedaan Ciidamada Qaranka Somaliland iyo maleeshiyooyin ka tirsan deeganadaas, kuwaas oo haddii aan halkaa lagu demin abuuri kara degaansho la’aan, taas oo aan cidna dani ugu jirin. Marnaba xal uma arko xabbad iyo dagaal, sidaa awgeed waxaan ugu baaqayaa inay xabbada joojiyaan, sidoo kale Garaadada, cuqaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaradka deegaanadan shaqaaqadu ka jirto ee hadda ka baxsan xayndaabka maamulka Somaliland, waxaan ugu baaqayaa uguna yeedhayaa googol nabadeed iyo wada hadal waxaana iga go’an inaan si mug leh u galo tabashooyinka siyaasadeed ee jira.
 Waxaanu xooga saari doonaa adeegyada bulshada anaga oo ka duulayna barnaamijkayagii sida horumarinta caafimaadka, waxbarashada, biyaha, miyiga, ka faa’iidaysiga khayraadka badda, dib-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, daryeelka mujaahidiinta, arrimaha haweenka, bulshada la haybsooco iyo la dagaalanka saboolnimada. Waxaan wax ka qaban doonaa daryeelka shaqaalaha dawlada iyo ciidamada dalka anaga oo u samayn doona derajooyin sidii aanu hore u ballan qaadnay, waxqabadka xukuumaddaydu ku talaabsanayso 100-ka maalmood iyo 6-da bilood ee hore, amase guud ahaanba sida mudnaanta look ala siinayo waxyaalihii aanu ballanqaadnay, waxa ku ansixin doona fadhiyadooda u horeeya golaha wasiirada cusub. Walaalayaal ilaalinta xuquuqal insaanka iyo xoruyatal-qawlku waa mabaadi’da aasaasiga ah ee aynu qarankeena ku dhisayno, ku dhaqanka dastuurka iyo qawaaniinta dalku waxay xuddun u noqon doonaan xaqiijinta nidaam xaqsoor leh iyo abuurista jawi wada shaqayneed oo u dhexeeya hay’adaha dawliga ah.
Arrimaha Dibada Xukuumadda cusubi waxay ka hawlgeli doontaa sidii ay Somaliland ugu xidhmi lahayd beesha caalamka dhinacyaa dhaqaalaha, siyaasada iyop nabadgelyada, waxaanu xoogga saari doonaa sidii aanu dunida ula yeelan lahayn iskaashi buuxa, iyada oo mar walba laga duulayo maslaxada shacabka Somaliland. Waxaanu xoojin doonaa baadi goobka aqoonsi buuxa oo ay Somaliland ka hesho caalamka, waxaanu dardargelin doonaa xidhiidhka ay la leenahay wadamada Africa, Europe iyo America. Dhianca kale waxaanu unki doonaa saaxiibo cusub oo ay Somaliland yeelato, kuwaas oo ay ka mid yihiin wadamada carabta iyo dalal ku yaala qaarada Eeshiya khaasatan China. Maamulkaygu waxa uu sii xoojin doonaa, isla markaan dhidibada u adkaynayaa xidhiidhka saaxiibtinimo, ganacsi iyo nabadgelyo ee aynu la wadaagno dalalka aynu deriska nahay sida Ethiopia, Djibouti iyo Kenya. Xukuumaddaydu waxay dawladaha jaarka iyo caalamkaba kala shaqayn doontaa ilaalinta nabdgelyada gobolka iyo sidii looga hortegi lahaa kooxaha xasilooni darrada iyo budhcad-baddeednimada ka wada manqada Geeska Afrika. Aad baanu uga xunahay dhiiga ku daadanaya Soomaaliya iyo shacbiga maalin walba macno-darrada ku dhimanaya. Sidaa awgeed kooxaha ku dagaalamaya waxaanu ugu baaqaynaa inay dadkooda u tudhaan, xabbadana wada hadal ku bedelaan. Dhaqaalaha Sidii ay ballanteenu ahayd hantida qaranku laga bilaabo maanta waxay noqonaysaa mid loogu adeego ummada, qaranka iyo horumarintiisa oo qudha mana noqon doonto mid ku dhacda jeebado gaar ah, waxa si buuxda u hawlgeli doona hay’adaha u xilsaaran ilaalinta hantida qaranka, sida Hanti-dhawrka iyo Guddida ilaalinta anshax wanaaga dawladnimo, kuwaas oo hawshooda si buuxda ugu madaxbanaan. Waxa agtayda iyo xubnaha xukuumaddaydaba xaaraan ka ah shandad lacag lagu oo lala soo waydaarto qasnada dawlada. Waxaan dhiiri-gelin doonaa maal-geshiga shisheeye, anaga oo u abuurayna jawi iyo qaab ay ku soo hirtaan, waxaan taabo-gelin doonaa hanaanka dhaqaalaha furfuran iyo suuqa xorta ah si waafaqsan xeerarka dalka. Caddaalada Caddaalada waa aasaaska iyo horumarka dalka, waanu ballan qaadaynaa inaanu hagaajino caddaalada anaga oo u marayna sif qaanuunka waafaqsan. Waxaan baabiinayaa oo aan waxba kama jiraan ka soo qaadi doonaa jiritaankii iyo awoodii guddiyada nabadgelyada ee sida sharci-darrada ah u fulin jiray xukumada ciqaabta ah. Dhamaan muwaadiniinta u xidhan waji siyaasadeed oo ee ay guddiyada nabadgelyadu xukuntay waan cafiyey, xoriyadoodii ay xaqa u lahaayeena waan u soo celiyey, qoraal rasmiya oo aan arrintaa ku sharaxayana waan u gudbin doonaa hay’adaha ay khusayso. Dhismaha xukuumadda Xukuumaddayda waxa sal u ah siyaasad ku qotonta isbadel dhab ah oo ka turjumaya baahida uu dalkeenu u qabo dawlad tayo leh oo ay aqootu hagayso. Dhismahani wuxuu awooda siinayaa seeska dawladnimo ee ku fadhiya xirfada iyo aqoonta uu dalkeenu u baahan yahay. Waxaan maanta soo dhisay gole xukuumaddeed oo ka kooban 26 wasiir iyo wasiir ku-xigeeno, taasoo salka ku haysa ballanqaadkii barnaamijka Xisbiga KULMIYE. Xukuumaddani waxay noqonaysaa xukuumaddii ugu tirade yarayd ee soo marta Somaliland, waxayna ka yartahay xukuumaddii xilka lagala wareegay 50%, xubnaha xukuumaddaydan waxaan ku soo xulay aqoon iyo karti, hal-abuur iyo hufnaan waxaan rumaysnahay inay ka dhabayn karaan dhaxalka wanaagsan ee aan mala-awaalayo, ama aan maanka ku hayo inaan ummadan uga tago. Waxaan rumaysnahay inaanay xukuumaddaydan ku dhamayn hal-doorkii Somaliland u baahnayd, waxaana hubaal ah inaan ka tagay halyeeyo badan oo qarankan abaal wayn ku leh, muddo badana aanu soo wada shaqaynay, kuwaas oo aanan marnaba ilaawi doonin qiimaha iyo qaayaha ay leeyihiin, iyagoo maantana aan ka rajaynayo inay iskay garab taagaan, gacmahana aanu sidii hore isu haysano. Waxa dhab ah sida dhaqanku yahay inaan rag meel kuwada dhamaan, dawladnimaduna aanay ahayn intan oo qudha. Walaalayaal waxa muuqata in geedigu dheer yahay, anaga oo ku kalsoon inaynu wadajir kaga gudbi doono duruufaha calculus ee ina horyaala. Waxaan si xushmad leh uga codsanayaa shacbiga reer Somaliland muxaafid iyo mucaaridba inay gacan buuxda igu siiyaan sidii looga midho dhalin lahaa isbedelkan, iiguna soo duceeyaan in illaahay ii fududeeyo xilkan dumadayda saaran.
 Ugu dambayntii waxaan Komishan Qaranka Doorashooyinka iyo hawlwadeenadoodii la shaqaynayey ku bogaadinayaa hawshii baaxada lahayd ee qarankan u soo qabteen. Sidoo kale waxaan amaan u soo jeedinayaa Axsaabta qaranka, Golayaasha sharci-dejinta, beesha caalamka, Saxaafada, Culimada, Madax-dhaqameedyada, Haweenka, Ardayda Jaamacadaha iyo Dhalinyaradii sida hagar la’aanta ah u soo shaqeeyey.
Allahayaw Somaliland bash bash iyo barwaaqo ka yeel. Beladana hareer mari. Allahayaw tubta toosan nagu hanuuni, tawfiiqdana na waafaji. Allahayaw bogeena iyo beerkeena burcad isu mari.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *