Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somliland ayaa Xaflad lagu maamuusay koox Arday ah oo dhowaan  hindisay Qaamuus Af-soomaalia ah ayaa caawa caweyskii lagu qabtay Hoteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.  Xafladaa oo ahayd casho sharaf si baladhan loo soo aggaasimay laguna

maamusayey 12 arday oo ka mida ah ardayda wax ka barata jaamacada Hargeysa.
Xafladaa oo  ay soo qaban qaabisay madaxtooyada jamuuhriyada Somaliland , ayaa u jeedadeedu ahayd sidii loo dhiiri galin lahaa 12 kaasi arday ee ka mida ah, ardayda wax ka barata jaamacada Hargeysa, kuwaas  oo dhowaan ikhtiraacay  Qaammuus Afka soomaaliga isku turjumaya  oo  ka kooban  20,000 kun oo eray.
Furitaaankii munaasibadaa  waxa  hadal kooban oo mahadnaq iyo dhiirigelin isugu jirtay ka jeedisay  Mareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyada Marwo : Aamina Maxamuud Diiriye oo sheegtay , ina lagamaarmaan u arkaan in la dhiiri galiyo , loona mahadnaqo ardaydaasi maadaama ay soo kordhiyeen Qaamuus afka hooyo ee soomaaliga ah isku turjumaya isla markaana door muhiima ka qaadan doona kobcinta afka soomaliga .
Marreeyaha samafalka madaxtooyada Marwo Aamina Maxamud Diirriye waxaaa kale oo ay xustay in madaxtooyada ay tix galin iyo maamus gaar ah u hayso dhalinyarada soomaaliland marka loo eego ayey tidhi doorkii wax ku oolka ahaa ee ay dhalinyartu ka soo qaateen guushii uu xisbiga kulmiye ka soo hoyey doorashadii madaxtinimada dalka Somaliland sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha jamacada hargiesa Prof: muuse cabdi cilmi oo ka xog waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay ardaydu ku soo qaateen taabo galinta hawhan.
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay , abwaan maxamed xashi dhamac ( Gaariye) iyo Abwaaan Mohamed Aden (Dacar) oo labaduba si qoto dheer uga waramay marxaladiihii kala duwaanaa ee loo soomaray qorista afka somaliga ah.
Gudoomiyaha xisbiga kulmiye muj: Buuse Biixi Cabdi oo isaguna madashaasi hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa ku amaanay ardayda wax ka baratay jamacada hargiesa iyo macalimiintoodaba talaabada wax ku oolka ah ee aya soo kordhiyeen marka loo eego dhinaca kobcinta iyo horumarinta afka somalilaga waxaa kale oo uuu gudoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid muuse biixi uu ku amaanay madaxtooyada Somaliland dhiiri galinta ay umada u muujiyeen dhalinyaradaa wax ka barata jamacada hargiesa university waxaanu ku boogadiyey gudoomiyuhu in ay ardaydaasi sii laban labaan dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhalinta hadafkooda .
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraaha mudane Maxamed Ibraahim Madar oo gebagebadii xafladaa  hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay ina xukuumadda uu ka mid yahay ay dedaal xoogan ugu jirto inay horumariso dhalinyarada Somaliland waxaanu ku boogadiyey ardaydaa inay sii xoojiyaan doorkooda wax qabad iyo sii kordhinta qamuuska Afka somaliga ah.
Wasiirku wuxuu goobtaa ku  gudoonsiyey 12 Arday iyo xubno ka mid ah macalimiinta iyo maamulka jamacada Hargiesa shaahaadooyin  ay madaxtooyada Somaliland ugu talo gashay inay ku dhiiri galiso ardaydaa oo ay ku mutaysteen dedaalka ay muujiyeen iyo qaamuuska ay soo kordhiyeen.

By, Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *