Eng. Maxamed Xaashi

Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxtooyada Somaliland oo jawaab ka bixinaysa eedaymo uu Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi u jeediyay

 

Jimcihii toddobaadkan Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku tilmaantay Maxamed Xaashi Nin la wareegaya dacaayado iyo eedaymo aan waxba ka jirin, isla markaana xidhtay shaadh qabiil.

Afhayeenka Madaxweynaha Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul oo cod madaxtooyada lagaga dhex duubay saxaafadda u soo diray xalay, waxa uu ku eedeeyey Maxamed Xaashi Cilmi inuu yahay shaqsi laga hayo burburinta qarannimada Somaliland, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay dhalliilaha uu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u jeediyay.

Afhayeenka madaxtooyada, ayaa ku tilmaamay Maxamed Xaashi Cilmi ka mid yahay rag waaweyn oo laga horjoogo burburinta tacabkii ay dalka hore ugu soo galeen, waxannu yidhi;  “Waxa jira rag waaweyn oo masuuliyiin ah oo qarankan tacab badan ka soo galay oo tacabkii ay dalka u soo galeen in ay baabiiyaan laga hayo, waxaanna ka mid ah Maxamed Xaashi Cilmi. Waxa la ogyahay in Maxamed Xaashi Cilmi dalkan dhibaatooyin badan u soo maray, waannu soo halgamay, qiimahaas ayuu ku lahaa, maantana tacabkii dalkan la gaadhay ee qiimihiisii la gaadhay ee sharaftii shacabka Somaliland soo noqotay ee qarannimadii iyo waxay u halgamayeen soo noqotay ayaad mooddaa rag badan oo Maxamed Xaashi ka mid yahay in tacabkaas ummaddan soo gashay laga hayo in ay burburiyaan. Mar walba xukuumadda ha dhaliilo oo waa la dhaliili karaa, inkastoo aanay dhaliil lahayn hadda, laakiin waxa masiibo ah oo la yaab leh in mar walba Maxamed Xaashi Cilmi uu erayo aan laaqi ku ahayn qarankan iyo karaamada madaxdii ummaddan soo dooratay.

“Maxamed Xaashi mar buu doorasho isa soo taagay oo laba cod ayuu helay, Siilaanyo-na waa la ogyahay codka uu helay. Waxa uu ku kacay waxyaabo shacabka Somaliland is waydinayaan oo ay leeyihiin; waar ninku sawkii weynaa, waar ninka maxaa ku dhacay, ma xilka intuu hayo ayuu maxaafid yahay? Maxamed Xaashi Cilmi waxaannu leenahay, shalay ayaa inta carruur ku soo kaxaysay nin ganacsade ah oo muwaaddiinta Somaliland ah oo waliba ka ugu waxtarka badan ah oo la dhaleecaynayey oo la caayey ayaad sacabka u tumaysay, adigoo lagaa filayey iyo halka aad is -dhigtay wax weyn u dhaxeeyaan.”

Afhayeenka madaxtooyada oo madaxweynaha ka difaacay eedaha loo jeediyey waxa uu yidhi; “Waxa Maxamed Xaashi yidhi, Madaxweynuhu wuxuu lumiyey sharaftiisii iyo tii SNM. Madaxweynuhu sharaftiisa, tii dalka Somaliland iyo tii SNM kor ayuu u qaaday ee waxa lumiyey ka maalin walba cay ummadda la dhex fadhiya. Waa tacabkaagii Maxamed Xaashow waxaannu maalin walba kaa haynnaa ee maalin walba laga dardaarayaa.” Ayuu yidhi Dhuxul.

Afhayeenka madaxtooyada oo ka jawaabay hadalka Maxamed Xaashi ku sheegay in dalku ra’iisal-wasaare yeeshay, waxa uu yidhi; “Maxamed Xaashi Cilmi oo jariiradaha ku soo baxay wuxuu yidhi, waxa dalkeenna jira ra’iisal-wasaare aan muuqan. Dalkeenna hab-dhismeedka uu leeyahay ee dastuurku caddeeyey wax ra’iisal-wasaare ah iyo meel uu ku jiro iyo meel ku leeyahay ma jiro.”

Sidoo kale, Mr. Dhuxul waxa xusay inuu aad uga xun yahay in Eng. Maxamed Xaashi sharafta uu qaranka ku lahaa baabiiyo, isla markaana wax ka sheego Madaxweynaha. “Maaha afarta qof ee kolba dan leh in ay Maxamed Xaashi u yeedhaan oo yidhaahdaan kalay Maxamedow noo hadal, uu isna sacabka ka dhinac tumo marka la caayayo ganacsato sharaf leh oo dalka sharaf ku leh oo waxtar badan leh oo hormood ah oo ay cayayaan dad wax-ma-garato ah.

Maxamed Xaashi waa ka maanta soo qaatay shaadhka qabiil ee meelahaas la wareegaya, maalin walbana inuu cay la soo fadhiisto isaga ayey ceeb ku tahay, waxaanuna ka xunnahay sida uu sharaftiisa u maax duminayo.” Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

“Shalay ilaa xalay waxay warbaahinta kala duwan i soo waydiinaysay maxaa munaasibaddii qaran ee 26 June loogu martiqaadi waayey xisbiyada kala duwan kala duwan ee qaranka KULMIYE, WADDANI iyo UCID. Waxaan halkan ka caddaynayaa xisbi walba waraaqihii martiqaadka ee aanu ugu talogalnay, dadkaas amma masuuliyiintaas inay xafladda madaxtooyada ka soo qaybgalaan in halkiisa xisbi walba loogu geeyey, xisbi anaan u gayn ma jiro, inay yimaadaan iyo in aanay iman waa wax iyaga u yaal, laakiin madaxtooyadu way u dirtay waraaqahaas martiqaadka oo masuuliyiintooda gacanta laga saaray,” ayuu yidhi Mr. Dhuxul oo sidoo kale ka jawaabayay sababta xafladii Madaxtooyadda ay uga maqnaadeen masuuliyiinta sadexda xsibi qaran.

Dhinaca kale, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa in musuqmaasuq baahsan ka jiro dalka, hay’addihii dhinaca dabagalka loogu talogalay ee Hantidhawrka Guud ee Qaranku ka mid yahayna baaba’een.

“Musuqmaasuqu siddii ayuu u socdaaye, wixii ay weydiin lahaayeen looma imanayo, Hay’addihii daba galka oo dhan ayaa baabay oo Hantidhawrkii ma jiro. Xeer-ilaalintii ma jirto, mid shaqeeyaana ma jiro, meeshana qalfoofkii ayaa taagan, ee wixii Dawlad lagu ahaa meesha way ka baxday, waxaannan odhana lahaa Dadweynuhu ha tashadaan,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi. isagoo xusay in nidaamkii hoggaamineed ee dalku lumay, isla markaana Wasiirka Madaxtooyada  Xirsi Cali Xaashi Xasan uu ku tilmaamay nin u dhaqma sidii uu dalka ka  yahay ra’iisal-wasaare.
Eng. Maxamed Xaashi, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Xukuumadda maanta jirta ma leh tayo hogaamineed. Waa dad is garab yaacaya; oo baratamaya oo lacag urursi ku jira ayaad is odhanaysa inta badan, siddii dariiqadii hore ahaan jirtayna wax badan ayaa laga beddelay, imminkna waxa jira Ra’iisal-wasaare aan muuqan oo aan loo magacaabin, laakiin shaqadii Ra’iisal-wasaarnimada haya. Weftigii bariga (Degaanka Taleex) ku maqnaa bariga Wasiirka, waxa hoggaaminayey Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Arrimaha Guduhu-na waa uu la socda, labadana marka la isku eegana ka daakhiliga ayaa ka mudan. Kii Maraykan loo tagayeyna (Bishii May)  inta Wasiirka Arrimaha Dibadda la dhaafay ayaa isna waxaa hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyada, markaas nidaamkii jiri jiray waxa aad moodaa in la dhaafay, Wasiirka Madaxtooyaduna xilligan yahay Ra’iisal-wasaare aan la magacaabin, laakiin jira, xafiiskiisa haddii aad aragto sida loogu xidhiidhsan yahay iyo sidda loo joogo waad ka yaabaysa, maalin ayaanu waraaq geynoo meel aad u martaba heli maysid, waxaanad is odhanaysa wax alaale wixii Madaxtooyada wax u lahaa halkaas ayey iskugu tageen.”
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa kale oo uu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in madaxweyne Siilaanyo lumiyey, kuna ciyaaray sharaftiisa, taariikhdiisa iyo halgankii ummaddu u gashay xoraynta dalka, waxaannu yidhi; “Madaxweynuhu waxa uu ahaa Guddoomiyihii SNM. sharaftii SNM wuu ku ciyaaray, sharaftiisina wuu ku ciyaaray. Taariikhdiina wuu ku ciyaaray, intaana maanta midna waxba kama jiro.  Caddaallad-darro ayaa loo dagaalamay, loo dhintay, xoolo badan lagu lumiyey, isaga oo muddo dheer Madax ka ahaa ayaa maanta tii galay, khaasare weyn ayaa ku dhacay halgankii uu isagu geystay.” Ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *