Hargeysa(Araweelo News Network)Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), ayaa ugu baaqay dadweynaha magaalada Hargeysa inay

iska bixiyaan cashuuraha ku waajibey, kuwaasoo uu xusay inay qayb ka yihiin horumarka iyo bilicda la doonayo in la gaadhsiiyo caasimadda.

Maayar Solteco, ayaa caddeeyey maanta in dadweynaha caasimadda ay cashuur bixiyeen wax ka yar 50%,  sannadkan lagu jiro ee 2014, iyadoo la marayo bishii October, isagoo ku hanjabaday inuu dadweynaha aan cashuurta bixin ka dacwayn doono maxkamadaha haddii aan ilaa bisha November ee sannadkan cashuurta lagu bixin.

“Waxaan farriin u dirayaa shacabka reer Hargeysa oo aan leeyahay cashuurta iska soo bixiya waxaynu marayna bishii Octobar illaa hadda 50% may bixin, waxaanna idin sheegayaa haddii ilaa November bixin waydaan waxaan ka dacweyn doonnaa maxkamadaha cidii aan bixin, cashuurtu waa ta wax lagu qabanayo. Waa ta magaaladda lagu qurxinayo ee waddooyinkan lagu dhisayo ee cashuurta bixiyaa dadweynow,” ayuu yidhi maayirku.

Waxa kaloo uu xusay inay jidadka madaarka Hargeysa taga ay ka bilaabeen hawlgal lagaga nadiifinayo dhirta loo yaqaan garan-waaga oo saamayn ku yeeshay bilicda caasimadda Hargeysa, isagoo tilmaamay in marka uu hawlgalkna lagu jarayo garanwaaga ay ku xigi doonnto dib-u-dhiska waddadan oo ay iska kaashan doonto xukuumadda dhexe, dawladda hoose iyo shacabka reer Hargeysa, taas oo la dhigi doono laami roog ah, lana mid ah jidka madaxtooyada hormara.

“Waxaannu bilownay mashuur dhawr qaybood isugu jira. Wejiga kowaad waa in la banneeyo biyo-mareennadii oo laga jaro dhirtan garanwaaga loo yaqaan. Arrinta labaadna waa in shacabku ka daayaan qashinka biyo-mareennada ku shubayaan oo ay u dhiibaan shirkadaha qashinka gura. Markay qashinka ka buuxiyaan biyo-mareennadii waxa xidhmaya meelihii biyuhu mari lahaayeen, kadibna biyihii waxay galayaan laamiyadii oo ay burburinayaan, marka intaasi dhammaatana waxaannu ku xigsiinaynaa in dib loo dayactiro oo la dhigo laamidii adkayd ee roogga ahayd, maadaama waddadani tahay tii madaarka oo ishu qabanayso, waxana taas iska kaashan doonna dawladda hoose, dawladda dhexe iyo shacabka, waxaanna ku bixi doonna kharash badan, waayo waa waddo aynu rabno in aanay konton sanno waxba noqon,” ayuu yidhi Solteco.

Waxa kaloo uu tilmaamay in aannu golaha degaanku kelidood waxba ka qaban karin bilicda magaalada haddii dadweynuhu la shaqayn, waxaannu yidhi; “Dadweynaha waxaan leeyahay haddii aad qashinka ku daadisaan waddooyinka ogow in aannu maayarka iyo golaha deegaaku keligood waxba ka qaban karin haddii aannu shacabku is kaashan, markaa ka daaya qashinka aad waddooyinka ku xidhaysa ee u dhiiba shirkadaha qashinka guraya oo diyaar idin ah.”

Dhinaca kale, Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa galinkii dambe ee shalay oo roobab ka da’ayeen caasimadda ilaa habeenimadii bilaabay inuu qashinku waddooyinka xidhay daadadku keeneen ka guro, isagoo hoggaaminayey cagaf-cagafyada dawladda hoose.

“Waxa farxad weyn noo ah hawlgal ballaadhan, taas oo lagu jarayo dhirta waxyeeladda ku haya dhulka, kuwaas oo looyaqaano Garanwaaga oo biyihii u qabanaya waddooyinkii, waxaanna maayarku amar ku bixiyey in laga bilaabo waddada tagta madaarka oo ah halkii ishu qabanaysay in laga xaadho garanwaagaas.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada Dawladda Hoose ee Hargeysa Mr. Khadar Yuusuf Cali oo ka warbixiyey hawlgalkaas.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *