Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta kulan la doonayo in lagu girfeeyo   wakhtiga doorashada Baarlamaanka Guurtida/ wakiilada iyo golayaasha deegaanka  oo kaabiga inagu soo haysa ku qabtay qasrigaa Madaxtooyada, kulankaa waxa kasoo qayb galay  Madaxweyne ku xigeenka, Shir-guddonada labada gole (Guurtida iyo Wakiilada), hoggaamada saddexda Xisbi  Qaran  iyo Komishanka Dorashoyinka.

 
Sidaana  waxa lagu sheegay warsaxaafadeed maanta kasoo baxay xarunta madaxtooyada, kaas oo lagu sheegay in gudi kasoo tala bixisa arrimahaa loo saaray.
 
Warsaxaafadeedkaa ayaa waxa uu u dhignaa sidan;- “Kulan balaadhan oo  maanta ka dhacay Guriga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen  Madaxweynaha JSL, madaxweyne ku xigeenka, Shir-guddonada labada gole (Guurtida iyo Wakiilada), hoggaamada saddexda Xisbi  Qaran  iyo Komishanka Dorashoyinku, ayaa si guud layskula waafaqay in aanay sababo badan awgood aanay suurtagal ahayn qabashada doorashada goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada oo ay muddo aad u yari ka hadhay, iyada oo la ogyahay in ay tii deegaanaduna muddo dhaaf tahay.
 
Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii uu qaranku talo uga yeelan lahaa doorashooyinka goleyaasha ee kaabiga inagu soo haya, ayey madaxdu ku lafo gureen duruufta dhaqaale iyo ta siyaasadeed ee dalka, gebagebadiina waxa la isku raacay in ay madaxda sadexda Xisbi iyo Komishanka doorashooyinku ka soo talo bixiyaan wakhtiyada ku habboon iyo duruufaha kale ee ku gedaaman doorashooyinka , sida shuruucda   ay badhkood qabyo yihiin. 
 
 
Xubnaha ka qayb galay kulankan waxay kala ahaayeen sidan:-
 
 
1. Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo )
2.  M/wayne ku-xigeenka JSL Mudane: C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ( Saylici)
3.  Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida  Sh. Axmed Nuux
4.  G/ xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Mudane: siciid Jaamac Cali
      5.  G/ ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax
 
6.  Gudoomiyaha Komoshanka Doorashooyinka  Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed 
      7.  Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka maxamed axmed Xirsi Geele
8.  iyo laba Xubnood oo kale oo komishanka Qaranka ah oo kala ah
– Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil
– Faarax Abiib Aadan
      9.  Gudoomiyaha Xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe
10.  G/ xigeenka Xisbiga UCID Aadan maxamed Mire Waqaf
11.  Af-hayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen
12.  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi
13.  G/ ku Xigeen Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Cabdi Qaadir
14.  G/ ku xigeenka xisbiga Kulmiye   C/raxmaan Talyanle
15.  Xog-hayaha Guud ee Xisbiga kulmiye Kayse Xasan Cige
16.  Madaxwayne ku-xigeenkii Hore JSL Axmed Yuusuf yaasiin (UDUB)
17.  Wasiirkii Hore Maaliyada  Cawil Cali Xuseen Xisbiga  ( UDUB )
18.  Gudoomiha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac
 
 
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa si weyn loo hadal hayay in madaxweyne siilaanyo uu damacsan yahay sidii mudada loogu kordhin lahaa golayaasha wakiilada iyo guurtida, taas oo ka danbaysay ka dib markii ay soo dhawaatay wakhtiyadii uu kaga eegaa xilkoodu.
 
Si kastaba ha ahaatee hogaanka xisbiyada iyo komishanka doorashooyinka ayaa lagu wadaa in lafo gurkaa  ka dib ka soo talo bixiyaan wakhtiga ugu haboon ee ay doorashada golayaasha deegaanku dalka ka dhici karto.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *