Kuwait ( ANN) Madaxweynaha oo weli ku sugan dalka Kuwait ayaa la kulmay maanta  Raysal wasaare xigeenka Dalka Kuwait, isla markaana ah Wasiirka arrimaha debeda ee Dr.  Maxamed Sabax Al Salam Al Sabah, iyadoo shalayna Madaxweynaha diyaarad nooca loo

 

yaqaan Helikobtarta lagaga qaaday Huteelka uu deganyahay. Kadib markii  casuumad Qado ah loogu sameeyay Beerta Amiirka dalka Kuwait. Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisu waxay kulamo la yeesheen masuuliyiin ka tirsan Hay’addaha dalkaa. 
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Afhayeenka xafiiska Madaxtooyada Somaliland, kaas oo u qornaa sidan:- “Ra’isal Wasaare Ku xigeenka Dawladda Kuwayt ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheekh Dr. Maxamed Sabax Al Salam Al Sabah ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigiisa.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Kuwayt waxa uu sheegay in ay dawladdiisu aad u soo dhawaynayso wax wada qabsigay iyo xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya labada waddan.
Wasiirka waxa uu sheegay in ay xukuumadiisu diyaar u tahay in ay Somaliland ku dhiirigeliso dedaalka ay ugu jirto horumarka ay ka samaysay dhinac nabadgelyada iyo maamulka ka hanaqaaday. Wasiirku waxa uu sheegay warwarka ay beesha caalamku ka qabto nabadgelyada madaqadda oo budhcad badeedu ku jirto.
Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka waramay xaaladda guud ee siyaasadeed ee mandaqadda oo dhan iyo waliba kaalinta ay Somaliland ku leedahay nabadgelyada. Madaxweynuhu waxa uu si door ah uga waramay isbedeladii siyaasadeed ee geeska iyo heerarkii ay soo martay dhismaha dawladnimada Somaliland iyo waliba sida ay nabadgelyada Somaliland u tahay mid gunta ka soo dhisantay oo haatan adkaatay. Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland ka qabto gacan qabashada beesha caalamka gaarahaana dawladda Kuwayt. Waxaana uu uga mahadnaqay mashaariicda ay dawladda Kuwayt haatanba ka wado Somaliland sida garoomada dayuuradaha iyo cisbitaalada. Wuxuu se sheegay in ay baahida Somaliland intaa ka badantahay sidaasi si la mid ahna uga mahadnaqi doono mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Kuwayt ku deeqdo.
Waxaanu u gudbiyey mashaariic isugu jirta dhinaca biyaha iyo wadooyinka.
Isla maanta waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa qaabilay sarkaalka ugu sareeya Hay’adda Kuwayt Fund iyo masuulin kale oo ka tirsan Hay’addas. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay hay’adda kala hadleen in ay kordhiso mashaariicda horumarineed ee ay haatanba ka wado Somaliland. Waxaanay Madaxda Hay’adu sheegeen in ay dhinacooda diyaar u yihiin.
Shalayna weftiga Madaxweynaha waxa lagu casuumay beerta Amiirka oo lagu sameeyey qado sharaf,  iyada oo dayuurad nooca loo yaqaano Helikobtarta ah lagaga qaaday hooteelka uu daganyahay Madaxweynuhu.”
Socdaalka wefdiga Madaxweynaha Somaliland ee dalalka carabta, gaar ahaan wadamada Khaliijka ayaa la filayaa inuu siyaasadii dhinaca wadamada carabta ee Somaliland wax ka bedelo, isla markaana guulo siyaasadeed soo hooyo. Iyadoo ay dawladda Kuwait waqtigan Somaliland  ka wado mashaariic dhinaca horumarka wadooyinka iyo dayactir lagu samaynayo garoomada diyaaradaha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *