Hargeysa (ANN)-Goobjoogayaashii Caalamiga ahaa dalka Somaliland u yimi inay dusha ka ilaaliyaan doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhacday sabtidii todobaadkii aynu ka soo gudubnay, ayaa

 

 maanta markii ugu horaysay ka hadlay kana war bixiyay mawqifkooda ku waajahan sidii ay u dhacday codbixintii doorashada madaxtooyadu, taas oo ay ku tilmaameen in ay ahayd mid si xor iyo xalaal ah uga dhacday dalka, inkasta oo ay sheegeen meelaha qaarkood in ay ka jireen cabashooyin sida gobolada Sool, Sanaag Barri, iyo gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama.

 

 

 

 

 

 

Kormeerayaasha  caalamiga ahi waxay sidaa ku sheegeen shirjaraa,id oo ay maanta ku qabteen hotelka MAANSOOR ee magaalada hargaysa.

waxayna Goobjoogayaashu u hambalyeeyen shacbiga Somaliland iyo Komishanka doorashooyinka qaranka oo ay ku tilmaamen Qaar si Mucjiso leh hawshooda u gutay.

Goob joogeyaasha caalamiga ah oo isugu jiray kuwa ka socday wadamo kale iyo kuwo Somaliland ka socday ayaa isku raacay  inay  doorshadu ahayd mid si fiican u dhacday. Kooxdaaa  oo ay tiradoodu gaadhaysay  ilaa 75 Xubnood, ayaa waxa gudoominaye u ahaa  Dr.STEVE Kibble oo ka mid ah kormeerayaasha caalamiga ah ee doorashada madaxtooyada Somaliland, kuwaas  oo ay wakiil ka tahay hay,ada caalamiga ah ee PROGRESSIO, waxa kale oo ay goob joogeyaashu xuseen in doorashada Somaliland ka dhacday ay ahayd mid la mid ah kuwa ka dhaca dalal badan oo dunida ah.

Sidoo kale Goobjoogayaashan caalamiga ah ayaa hambalyo u diray shacbiga Somaliland iyo Komishanka doorashooyinka qaranka oo ay ku tilmaamen Qaar si Mucjiso leh ee hawshood u gutay. waxayna Xoog u Amaaneen komishanka doorashooyinka hawsha balaadhan ee ay dalka Somaliland ka qabteen,iyaga oo sidoo kale amaanay Xisbiyada Qaranka

Waxa kale oo ay guddidani ay sheegeen in ay jiraan caruur aad u yaryar kuwaas oo goobaha ay codbixintu ka socotay codkooda ka dhiibanayay inkasta oo ay sheegen in dhacdadaasin ay ahayd mid aad u yar oo meelo kooban ay ka dhacaday..

‘Xaqiiqdii waxa jira waxyaabo badan oo wanaag ah. Hase ahaatee waftigani waxa uu qabaa war-waro waxoogaa ah, taas oo aanu doonayno inay komishanka qaranku si fiican fiiro gooni ah ugu yeeshaan. Cabashooyinkaasna waxa kamid ah, Hadaba walaacyada gaarka ah ee aanu qabnaa waa dhacdooyin ka dhacay gobolada Sool iyo Sanaag bari. Goobahaas qaar kamid ah codbixiyayaasha oo aan rabin inay ka qayb qaataan doorashada. Usoo baxa doorashaduna wuu hooseeyay goobahaas. Waxana la soo sheegay goobo la carqaladeeya sanduuqyada codbixinta, ha ugu naxdin badnaato dhimashada hal ruux oo ah shaqaalihii komishanka ee Sool. Hase ahaatee hawlwadeenada komishanku waxay qabteen hawl fiican goboladaas iyo gobolada kaleba.”

Sidoo kale waxay goob joogeyaashu  ka hadleen meelo ay shegeen in ay ka wer-wersanyihiin in uu khaladaad ka dhacay “Meelaha kale ee walaacu uu ka jiro ee aanu rabno inay fiiro gaara siiyo Komishanku waa dagmada BORAMA. Dagmada Borama, goob-joogayaasha Caalamiga ahi waxay arkeen caruur codaynaysa iyo kaadhadhka codbixinta ah oo si qaawan loogu qaybinayay dadka, oo ay qaybinayeen dad aan sharci u lahayn. Hase ahaatee, goob-joogayaasha caalamiga ahi waxay arkeen shaqaalaha komishanka oo talaabooyin adag ka qaadayaa dhacdooyinka noocan oo kale ah, sidaa daraadeedna ay soo jeediyeen inaanay saamayn ku yeelanayn natiijada doorashada. Si kastaba ha ahaatee waa arin u baahan in fiiro gaara laga yeesho.”  Ayay kula taliyeen komishanka qaranka .

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *