ciidanka qaranka Taleex
Taleex(Araweelo News Network)Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa dib uga ruqaansaday deegaanka magaalada Taleex iyagoo dib ugu noqday fadhiisimadoodii hore 

ee ay ku suganaayeen ka hor intii aanay gacanta ku dhigin magaaladaa ku dhowaad laba toddobaad ka hor.
Deegaanka Taleex waa markii labaad ee sanadkan ay Ciidamada Sonmaliland ka caydhiyaan kooxda Khaatumo ee doonaysay in ay halkaa ku qabto shirk a dhan ah qaranimada Somaliland, balse ay ku guuldaraysteen kadib markii ciidanka Qaranka Somaliland ka baacsaday malayshiyada kooxda Khaatumo iyo siyaasiyiin uu hogaaminayay Cali Khaliif Galaydh.

Hase yeeshee markii ay deegaankaa booqdeen xubno Wasiiro ah oo ka socday Xukuumadda Somaliland doraad, waxay Ciidanka Qaranka eek u sugnaa Taleex habeenimadii Khamiistii toddobaadkan maalin uun kadib markii wefti wasiirro xukuumadda Somaliland ka soo ambabaxeen dib uga soo guureen iyagoo kusoo laabtay fadhiisimadoodii hore.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hoggaaminayey weftiga xukuumadda Somaliland u dirtay halkaa ayaa sheegay in  ay 150 askari oo u dhashay degaanka ku wareejiyeen amaanka magaalada Taleex, isla markaana ay dhamaatay ujeeddadii kowaad ee Ciidanku u tageen deegankaa.
Wefdiga ayaa mudadii ay deegaanka Taleex iyo Xudun ka hirgeliyay mashaariic dhinaca adeegyada bulshada ah, kuwaas oo wax weyn ka taraya horumarka deegaanka iyo dhinaca amaanka.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore gaashaanka ugu dhufatay dhawaaqyo dublamaasiyadeed oo dalalka Britain iyo Uk hormood u ahaayeen, taas oo loogu baaqayay in ay ciidamada Somaliland dib uga laabtan deegaankaa si aanay xaaladu isugu bedelin gacan ka hadal, balse lama ogga in talaabada waqtigan xukuumaddu ciidanka uga soo celisay Taleex ay tahay mid la xidhiiidha arrintaa iyo culays dublamaasiyadeed iyo in kale.

Dhinaca kale kooxda ka firxaday deegaanka Taleex markii ay Ciidanka Somaliland gaadheen, ayaa ku hanjabay in ay weeraro la mid ah kuwa Al-shabaab ee is qarxinta ku qaadayaan deegaamada ay ku suagn yihiin ciidanka qaranka Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *