Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise xamari), ayaa faahfaahin ka bixiyey, halka ay marayso tirinta codadkii

 

 ay dadweynaha Somaliland ka dhiibteen doorashadii madaxtooyada ee maalintii sabtidii dalka ka dhacday, taas oo uu sheegay in inta badan dalka la soo dhameeyey, laakiin ay  weli hadhsan yihiin magaalooyinka waaweyn oo sida uu sheegay lagu rajo weyn yahay in la dhameeyo maalmaha fooda inagu soo haya.

 

 

 

Guddoomiyuhu wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, isla markaana waxa uu sheegay inay komishan ahaan qalbi furan kusoo  dhawaynayaan Baaqa ay Goob-joogayaasha Caalamiga ah ee la socday doorashadii Somaliland ka dhacday  ku amaaneen qaabkii ay u dhacday oo ay sheegeen inay ahayd mid xor iyo  xalaal ah.

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu ka hadlay habka ay ugu dhawaaqayaan natiijada doorashada madaxtooyada, wuxuuna  sheegay inay  ku dhawaaqi doonaan marka ay wada helaan dhamanba sanaaduuqda gobolada dalka oo dhan ee ay tiriyaan, isla markaana si wanaagsana u hubiyaan ugana bogtaan, balse aanay marba gobol ku dhawaaqi doonin.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Eng. Ciise Xamari oo ka hadlayey warbixinta ay soo saareen Goob-joogayaasha Caalamiga ah ayaa yidhi  “Maanta oo bishu tahay 28-ka bisha june waxa inoo soo baxay (report ), warbixin ay soo saareen qoladii goob joogayaasha caalamiga ahayd, kaas oo ah warbixin wanaagsan oo si caadi ah uga sheekeeysay wixii aynu qabsanay oo qiraal u noqday sidii ay doorashadeenu u dhacday iyo qaabkii ay u socotayba.

Waxa jira meelo yar yar, oo ay wax mad-madaw ah ka muujiyeen goob joogeyaashu kuwaasi oo run ah, sida Sool iyo Sanaag Bari, meelahaas qaarkood weli wax go,aan ah kama ay gaadhin xafiisyadayada (komishanka) Sanaag barri. marka la eego inkasta oo aan weli wax go’aan ahi ka soo bixin degmada, ayaana go’aanka iska leh anaguna ma doonayno in aanu degmada arrimeheeda faro gelin ku samayno go’aankeeda iyada ayaanu ka sugaynaa ciddii cabashooyin ka keentayna degmada ha ka sugto.”

Eng. Xamari oo si guud uga hadlaya hawsha codbixinta iyo tirade codadka, waxa uu   yidhi,  “Guud ahaan si fiican ayay noogu socotaa tirinta codadku, tirintiina way noo bilaabantay, sanduuqyada ugu badani waxay yaalaan Hargaysa, iyada waanu bilownay tirinteeda. Markaa waxa aanu ku dhawaaqi doonaa natiijada marka ay noo soo dhamaadaan natiijooyinka dalka oo dhan.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *